Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan dhibatada ka taagan dalka Soomaaliya.
Posted: 8/22/2008 3:04:00 PM
Xildhibaan Xasan Abshir Faarax ayaa madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan dhibatada ka taagan dalka Soomaaliya xili uu maanta ka hadayay xaflad lagu maamusayay sanadguuradii 4aad ee ka soo wareegtay maalintii dhidibada loo taagy Baarlamaanka oo maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo.
Inta badan masuuliyiitii ka hadashay munaasibadaasi ayaa waxaa ay si weyn uga hadleen xaalada uu dalka haatan marayo waxaana ay ugu baaqeen dhamaan dhinacyada Soomaalida in ay qilaafkooda ku dhameyaan wada hadal isla markaana ay u naxaana shacabka Soomaaliyed ee dhibaateeysan.
Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo ka mid ahaa mudanayaasha maanta ka hadaly munaasibada 4 sano guuradii ka soo wareegtay maalintii baaralmaanka Soomaaliya la aas aasay oo ku began 22 Augusto ayaa si weyn ugu dheeraaday xaalada uu haatan dalku marayo waxaana uu ku eedeeyay in ay dhibaatada ka taagan dalka ay wadaan madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo uu sheegay in dabka ka hocaya dalka ay sii hurinayaan.
Waxaa uu sidoo kale xildhibaanku sheegay in hadii ay magaalada Baydhabo ku soo laabtaan iyagoo isqolaafsan ay go’aan ka qaadan doonaan xildhibaanada dhawaan sida uu sheegay.
Hadalkani kulul ayuu xildhibaan Xasan Abshir uu ka sheegay munaasibada loogu dabaal degayay Maalinta la aas aasay baarlamaanka Soomaaliya.