HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
 

Magaalada Jabuuti Ayaa Kulamo Isdaba Joog Ah Ugu Soconayaa Guddiyo Ka Kala Socda Dowladda KMG Isbahaysiga Dib U Xoreynta.

guddiyo ka kala socda dowladda fedeelaka KMG ah iyo garabka Jabuuti ee isbaheysiga dib u xoreynta dalkaayaa kulamo uga soconayaan maalintii sadexaad . Labada dhinac ayaa waxay ka arrin sanayaan siyaadadda gudaha iyo nabad galyada.

wadahadaladaan oo aan saxaafada loo ogalayn ayaa waxaa ka qeyb galaya xubno uu hogaaminayo C/raxmaan C/Shakuur wafdigaas oo ka socda isbaheysiga dib u xoreynta dalka, halka dowladda KMG ah xubnaha uga qeyb galaya kulamadan uu horkacayo R/wasaare k/xigeenka dowladda KMG ah, axmed C/salaan Xaaji.

Guddiga labada dhinac ee haatan ku shiraya magaalada Djibouti ayaa hadii ay heshiis wada gaaraan, waxay u sii duuli doonaan dalka Sacuudiga, halkaasoo la filayo in labada dhinac u kala saxiixdaan qodobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti.

Qodobada ka soo baxay shirka Jabuuti dhowaan lagu gaaray ayaa waxaa ka mid ah heshiis xabad joojin oo labada dhinac ah iyo in ciidamada Ethiopia gudaha Soomaaliya uga baxaan mudo loo qabtay. Qodobadaasi shacabka Soomaaliyeed si diiran u soo dhoweeyeen ayaa hadana khilaaf xoogan ka dhex dhalisay xubnaha Isbaheysiga dib u xoreynta dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan illaa iyo haatan si cad loo ogeyn sida uu ku dhaqan gali karo heshiiska Jabuuti lagu gaaray, maadaama ay haatan muuqdaan khilaafyo u dhaxeeya isbaheysiga dib u xoreynta dalka iyo dowladda KMG

 

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.