HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Qoryaha Iyo Baabuurta Hubka La Saaray Beeshu Ma Laha  Rag Waawayn Oo Xisbiyo U Madaxa Ayaa Hawshaasi Waday Waxaanu Ahaa Arrin Inqilaab. Boqor Cismaan Buurmadow.

 

 

 

 

Hargaysa(Waaheen).Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw  ayaa maanta Shirjaara’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargaysa  kaga waramay arimo dhawra oo ay ka mid ahayeen Safarkii uu kutagay Bariga Somaliland iyo shirarkii Gar-adag iyo Caynabo,waxaanu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay boqorku: “ mudo waxaan ku maqnaa safar aan ku qabtay Bariga Somaliland halkaas oon u tagnay shir markii hore lagaga dhawaajiyay  Shir dhaqan oo Beelaha Habarjeclo loo qabtay.

 

 Waxaan  uga tacsiyadeenayaa  beelaha lagu magacaabay shirkaas, in shirkii noqon waayey shir beeshu leedahay,oo  uu noqday shir ay qalin-dareyeen ama ka shaqeeyeen  siyaasiyiin ka tagtay Hargaysa oo ka kooban qaybaha Somaliland, shirkaas oo runtii ajaandihiisa lagaga shaqeeyay Hargaysa  laguna dhex tuuray beesha waxaa si toosa uu xanbaarsanaa shirkaas Xilbaanadii ka tirsaana  beesha ,oo fulinayay shaxdii lagu sii goo’yey Hargaysa ,waxaa kaloo xanbarsanaa oo fuliinayay  Guddomiyaha Guurtida iyo Guddoomiyaha  xisbiga Kulmiye ,runtii waxaay noqotay in shirkii ka baaqdo sidii anu ugu tala galnay.

 

Madax dhaqameed-yadayadii markaanu isku nimi waxaanu ku tala galnay in aanu wax ka badalno ajandihii markii aanu isku nimii habeenkii u horaysay 5 madax dhaqamed ayaanu ahayn, shantayadii markaanu isku nimi waxaanu go’aaminay in ajandaha la saxo oo wixii siyaasada laga saaro , alla ha u naxariistee  Suldan Maxamed Cabdi Cali geeriyooday muddo saddex cisho markanu tacsidii u fadhinay waxaa dhacday in ajandihii siyaasadeed dib  loogu soo celiyo;  ajandaha shirku wuxuu ahaa oo ku cad oo  lagu duminayo qaranka.

 

Umana baahna in cid wax laga waydiiyo, waad maqlayseen in shalay Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Siilaanyo  BBc ka sheegay in shirku ahaa shir siyaasadeed laguna soo casuumay beelaha Somaliland.

 

 

Boqor Cisman Buurmadow waxaa kale oo uu  ka hadlay ariinta baaburta dusha la goyay ee qoryaha la saray waxaanu sheegay inaanay beeshu shaqo ku lahayn ee rag kale ka danbeeyeen oo Xisbiyada madax ka ah waxaanu yidhi

“ Qoryaha iyo baabuurta la gooyey beeshu ma laha  rag waawayn oo la wada og yahay oo faylkodii la hayo ayaa hawsha waday  oo Xisbiyo madax ka ah wuxuu ahaa arinkasi arin inqilaaba , waxaana la doonayay in la isku beego rabshadaa iyo tageero meesha kasoo baxda iyo inqilaab waxaan odhan karaa markii arinkasii noo cadatay , ee aanu aragnay in beeshii dagaal anay ogayn la galinayo oo Baabuur anay lahayn oo la ogyahay meeshay ka yimadeen inamo la saaro oo beesha sidaa lagu dagaal galiyo, wataan go’ansanay in shirka lagu kala koco ,shirkiina ay qaybtii yarayd ee siyaasadu isugu soo hadho dad an 40ka badnay oo Xildhibaano hoogaminayeen.Intayadii kalana ay qabatay shirkii Caynabo ,si aanu u badbadino qaranka Somaliland iyo beeshaba mana hayn shirka Cayabo mid beesha lagu kala jabinyo ee wuxuu   ahaa badbaado Qaran.”

Boqor Cismaan wuxuu xukuumada ku dhaliilay in aanay waxba ka qaban dadkii ka danbeeyay falkaas isku dayga inqilaab ahaa oo layaqaan bu yidhii raga ka dan beyey oo dalka jaha-wareer galiyay oo waliba caasimada Hargaysa dhex socda.

Waxaanu ku dhaliilay xeer ilaalinta oo uu sheegay in aanay wajibkoodi gudan

 

Ugu danbaytii Boqor Buurmadow wuxuu sheegay hadii ay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye isku beel yihiin oo uu Gudoomiyuhu beesha iyo qarankaba dab  gelinayo inuu ka qabanayo waxaanu sheegay in madaxda Kulmiye ay baabuurta hubka saartay shirkan Gar-adagna ay yimaadeen iyagoo hubaysan hadii ay shirka ay iman lahayeen iyagoo aan hubaysnayn in la soo dhawayn lahaa.

 

 

Mar uu ka hadalayey arrintan maamuus xayuubintiisa  waxa uu sheegay cida arrintaa wadaa inay tahay Xildhibaanadii ku hadhay shirkii Gar-adag, salaadiinta Beeshuna ay soo saareen bayaan ay arrintaasi ku beeninayaan .

 

Hadii  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye aanu isku beel nahay oo uu Gudoomiyuhu beesha iyo qarankaba dab  gelinayo waan ka qabanayaa. Boqor Cismaan Buurmadow.

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.