HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa
uu maanta shahaado sharaf gudoonsiiyay Mr Leo Kenny oo ahaa Isu-duwaha
hay’adda la Dagaalanka Aafada  Cudurka Aids-ka UN/AIDS ee Somaliland iyo
Soomaaliya.


Mr Leo Kenny oo Qaramada Midoobay u qaabilsanaa La Dagaalanka Cudurka
Aafada AIDS-ka waxa uu ka shaqaynayay dalka Somaliland tan iyo sanadkii
2004-kii , waxana hadda loo wareejiyay xafiiska Hay’adda Aids-ka ee QM oo
ku yaala Magaalada Geneva.


Madaxweynuhu , waxa uu u sheegay Mr Leo Kenny markii shahaadada
gudoonsiinayay in ujeedada shahaadada u siiyay ay tahay waxqabadkii iyo
fir fircoonaantii uu ka muujiyay hawshii uu ka qabtay Somaliland mudadii u
dhaxaysay 2004 ilaa 2008.


Kulankaasi shahaadada lagu gudoonsiiyay Mr Leo Kenny waxa kale oo goob
joog ka ahaa Xoghayaha fulinta ee Guddida Somaliland u qaabilsan la
Dagaalanka Aafada Aids-ka Md Maxamed Xuseen Cismaan  “Muadan” , Dr Maxamed
Rashiid oo ah wakiilka hay’adda UN AIDS ee Somaliland  iyo Dr Deeq Siciid
oo isaguna ah madaxa HIV/Aids ee hay’adda WHO.



Alla Mahad leh




Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.