HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Madaxweynaha oo Qaabilay Wefdi Balaadhan oo Ka Socda Ururada Dadka Muslimka ah ee Britain

Aug 21, 2008 at 03:55 PM

Hargeysa (Qarannews)-- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa maanta qasriga Madaxtooyada ku soo dhaweeyay wefdi balaadhan oo ka socda ururada dadka Muslimka ah ee ku nool dalka Britain .

Wefdigaasi ka socda dadka Muslimiinta ee Britain oo socdaal gaaban ku soo gaadhay Jamhuuriyada Somaliland, kulankii maanta ay la yeesheen Madaxweynaha  oo hadal kooban uu ka jeediyay Sheekh Abobakar oo ka mid ah culimada Maamusha Dugsiyada  dadka muslimka ah ee dalka Britain qaar ka mid ah , waxa uu sheegay in had iyo jeer warbaahinta ay ka maqlaan marka la soo qaado Soomaali , Dagaal , Amaan Darro, Qax iyo Gaajo, hase yeeshee markii ay yimaadeen Somaliland ay aad ula yaabeen  in ay si weyn uga duwan tahay waxyaabaha laga sheego Soomaaliya , siiba Amaanka iyo xasiloonida.

 

 

Sample Image

Sheekhu waxa kale oo uu yidhi “Waxaanu si weyn ugu faraxnay dadka reer Somaliland fir-fircoonida iyo dedaalka balaadhan ee ay ugu jiraan sidii ay diintooda iyo dadnimadoodaba ay u hanan lahaayeen”, waxana uu u mahad naqay Madaxweynaha , xukuumada iyo shacbiga Somaliland sidii fiicnayd ee loogu soo dhaweeyay Somaliland isaga iyo wefdigiisaba

 

 

Sheekh , Abobakar waxa kale oo uu iyana u mahad naqay Dawlada Britain , gaar ahaan Laanta Common Wealth-ka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibada oo u fudaysay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, taas oo uu sheekhu sheegay in aanay noqon doonin tii ugu horeysay ee ay dalkan ku yimaadan.

Sheekhu waxa kale oo uu ballan qaaday isaga iyo ururada kale Islaamka ee dalka Britain in ay ka caawin doonaan mustaqbalka soo socda Somaliland waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dhinacyada Waxbarashada , Dib u Dhiska iyo Taakalaynta dadka saboolka ah.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , oo isaguna hadal kooban oo soo dhawayn ah wefdiga u jeediyay , waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay wefdiga ka socda ururada Islaamka ee dalka Britain oo markii ugu horeysay soo booqday Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu yidhi “Iyada oo ay nagu xeeran yihiin dalal badan oo Muslim ahi , in aanay jirin wufuud nooga timid sida wefdigan ka yimid dalka Britain, taasi oo muujinaysa kalgacaylka iyo walaaltinimada Islaamka ee wefdigani ay u muujiyeen shacbiga Somaliland”.

Mar La waydiiyay Madaxweynaha Fariinta uu jecel yahay in uu u gudbiyo dadka reer Somaliland ee ku nool Dalka Britain, waxa uu sheegay in uu jecel yahay in ay kula noolaadaan dadyowga kale Nabad gelyo, Walaaltinimo iyo isdhex gal.

Kulankaasi dhex maray Maanta Madaxweynaha iyo wefdiga ka socda Ururka Muslimiinta ee dalka Britain , waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiika Arrimaha Dibada Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale , Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxamuud Suufi iyo culimo kale  oo ka socota Somaliland.    

 

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.