Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Magaalada Muqdisho taladana ka tureen Maxkamadihii Islaamiga ee awooda la soo baxay bartamihii 2006 da xilligana ku sugan Magaalada Baarlamaanka Saldhiga u ah ee Baydhabo ayaa ka hor yimid qorshaha Maamul u sameynta Gobolka Banaadir ee uu wado Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Nuur Cadde.
Waxaa uu sharci daro tahay qaabka ay u soconeyso arimaha maamul u sameynta gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in markii hore qaabka loo soo dhisay maamulkii uu hor kacayay Maxamed Dheere ay aheyd mid sharci daro ah isla markaana sharic daro looga qaaday xilka hadana la doonayo sidii hore oo kale in maamul loogu dhawaaqo gobolka Banaadir, isla markaana aysan noqon doonin mid la aqbalo.
Maxamed Qanyare ayaa sidoo kale sheega in muddo 15 cisho aan lagu dhisi karin Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana la doonayo in maalmo badan lagu daro
“Ka hor inta aan la sameynin Maamulka, waxaa loo baahan yahay in wada tashi ballaaran laga sameeyo, waa in lala tashadaa beelaha dega Gobolka, aniga waxaan ka mid ahay dadka awooda badan ku leh Gobolka”ayuu yiri Qanyare.
Hadalka Xildhibaan Qanyare ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan qaban qaabo ku aadan sidii maamul loogu dhisi lahaa Gobolka Banaadir, iyadoona Ra'iisul Wasaaraha uu doonao in jagadaas u magacaabo shaqsi la sheegay inuu Dibeda uga yeeray