HOME
QURAN
CONTACT US
HEESO
ARCHIVES
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Amar Madaxweyne Ku Furey Jaamacada Gabilay, isla markaana Dhagax Dhigay Dugsi Sare Oo Cusub.
Gabilay:-Wasiirka wasaarada waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud Warsame [Gadhweyne] ayaa Shalay ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu dhagax dhigayay Jaamacada Cusub ee Time-cade iyo dugsi sare oo loo dhisayay Gobolka Gabiley.
Munaasibadan oo ka dhacday caasimada Gobolka Gabiley ee Gabiley ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka waxbarashada, wasiiru-dawlaha wasaarada waxbarashada, badhasaabka gobolka gabiley, maayarka caasimada Gebiley, salaadiin iyo marti-sharaf kale, waxaana munaasibadaas lagu furey jaamacada Gabiley ee Timacade iyo dhagax dhiga dugsiga sare waxana Munaasibadaa ugu horeyn hadal kooban ka soo jeediyay wasiirka waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadhweyne) waxana uu sheegay in ay maanta [Shalay] u yimaadeen Gabiley sidii ay u dhagax dhigi lahaayeen Dhismaha dugsiga sare ee lagu badelay Jaamacada cusub oo xeerkeedii soo dhamaaday isagoo wasiirku tilmaamay in ay la socdaan Hay'adihii dhisayay dugsiga sare,
wasiirku isagoo isagoo arintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaanu halkan u nimid dhagax dhiga Dugsiga sare ee dhismihiisa lagu badelayo Jaamacada Time-Cade oo xeerkeedii soo dhamaaday, iyana hay'adii dhisaysay Secondry-yada way nala socotaa, markaa ujeedada socdaalkayagu waa in Jaamacadiina aanu bilowno, dugsigii sarena dhagax dhigno ayaanu u soconay"
Wasiirka waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay hay'ada dhisaysa iyo ha'ayada maalgalinaysa isagoo hadalkiisii sii faahfaahinaya waxa uu yidhi “Waxaa dhisaysa ha'ayada DRC, iyo Hay'ada [African Educational Trust], AET-na waa ha'ayda maal galinaysa ee Secondry-yada dalka intooda badan gacanta ku haysa, markaa waxba qabyo nagama aha anaka wakhtigan xaadirka ah, amar culusna waanu qabnaa" ayuu yidhi
Wasiiru dawlaha Wasaarada Waxbarashada Maxamuud Garaad Maxamed waxaanu sheegay in jaamacada Camuud ee magaalada Boorama uu waraaqdeeda digreetada ah ee lagu fasaxey Jaamacadaasi, saxeexay Alle ha u naxariistee Madexweynihii hore ee Somaliland ee geeriyoodey Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, isla markaana jaamacada Gabilayna ay tahay Jaamacadii labaad ee ka soo baxda madaxtooyada,oo uu iyadana saxeexay Madexweynaha hada talada dalka haya Md. Daahir Rayaale Kaahin, waxaana uu tilmaamay Wasiiru dowluhu in Gebilay ku amaanan tahay tacliinta oo ay tahay hoyga tacliinta Somaliland waxaana uu yidhi “Jaamacadaha dalka gaar ahaan ta camuud waxaa bixiyey ogolaanshaheeda Allaha naxariistii jano hasiiyee Marxuum cigaal isagaana qoray warqadeeda, tii labaadna waa tan Gabiley waxay ku amaanan tahay tacliinta madaxweynuhuna wuu ka war hayay inay sidaa tahay, dawladi waxay shacabkeeda gashato ayay ka heshaa wax kale ma hesho horta ha iska yaraatee"
Sidoo kale waxa isaguna munaasibaasi hadal kooban oo mahadnaq ah ka soo jeediyay.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Cusub ee Gabiley Maxamed Axmed Cabdi [xabiib], oo sheegay in ay maanta Reer Gabiley u tahey maalin taariikhiya waxaanu isagoo arintaa kahadlaya ku bilaabey hadalkiisa sidan: "Waxaan soo dhawaynayaa wasiirka waxbarashada iyo wasiiru dawlaha oo maanta [Shalay] halkan noogu dhagax dhigaya jaamacadii Time Cade University, waxaana leeyahay maanta waa maalin taariikhiya oo dhalinyarada gebiley, waxaana bushaara labaad noo ah in maanta wasiirku dhagax dhigayo dugsigii Sare oo ay is dabooli doonaan
waxbarashada Jaamacada iyo dugsiga sare"Ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Gabiley.
Waxanu Badhasaabku ugu baaqay gudoomiyayaasha jaamacadaha dalka oo badankoodu ay ka soo jeedaan Gobolka Gabiley in ay ardayda Gobolkooda qayb ka mida wakhtigood, u huraan sidii ay wax u baran lahaayeen, sidoo kale waxa uu ugu baaqay tijaarta ka soo jeeda Gobolkan Gabiley inay ka qayb qaataan sidii dhismaha jaamacada loo xoojin lahaa iyo sidii ay caruurtooda uga caawin lahaayeen dhinaca waxbarashada.
Waxa kale oo iyaguna hadalo mahad celin ah halkaa kasoo jeediyey Maayarka Gebiley Xuseen Muxumed Axmed (jameeco) iyo Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar iyagoo sheegay inay mahadnaq u jeedinayaan masuuliyiinta ka socota Xukuumada iyo madaxweynaha oo ku hawlan sidii loo horumarin lahaa gobolka Gabilay.
Ugu denbeyntiina Masuuliyiinta kasocdey Hay'ada DRC ee dhisaya dhismaha dugsiga sare ayaa mid kale oo ay sheegeen in ay dugsigan sare raacinayaan ka calaamadiyey magaalada Kalabeydh oo Gabiley katirsan.
©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.