HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Dagaal xoogan ayaa mar kale maanta dib uga qarxay Magaalo xeebeedka Kismaayo, halkaasoo ay ku dagaalamayaan Maleeshiyada Beesha gacanta ku heysa Kismaayo iyo Xoogaga dhalinyar diimeedka Alshabaab.

Iska hor imaadkan ayaa haatan ka socda Galbeedka Magaalada Kismaayo, iyadoo uu ku fiday Xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo, taasi oo ay ka mid tahay Xaafada Calanley.

Dagaalkani ayaa waxaa uu daba socdaa dagaal xoogan oo shalay Magaalada Kismaayo ku dhex maray Xoogaga Al-shabaab iyo Maleeshiyo beeleedka gancata ku haya magaaladaasi kaasi oo dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad raydi ah.

Xoogaga Alshabaab ayaa qorsheynaya inay la wareegaan Magaalada Kismaayo oo ah Magaalo ka madax banaan Dowladda Federaalka, isla markaana ay maamulaan maleeshiyo Beeleedyo, waxaana Maleeshiyada gacanta ku heysa ay sheegeen in ay is daafici doonaan, Magaaladana ay u ogolaan doonin in ay Alshabaab qabsadaan.

Lama oga waxa uu xaalku ku dhamaan doono, waxaase wararku ay sheegayaan in dagaalka uu ka duwan yahay kii shalay, ee ka dhacay galbeedka Magaalada, waxaana dagaalka uu haatan yahay mid si xawli ah ku socda

Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalada kala soco wararkeena dambe
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.