Sida ay sheegayaan Ilo wareedyo ku dhow dhow Saraakiisha Socdaalka Dowladda Soomaaliya, Labo Wafdi oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa maanta ka dhoofaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Wararka ayaa intaa ku daraya in socdaalka Labada Wafdi ay yihiin kuwo ay ugu ambabaxaan Labo Dal, iyadoona goor dhoweyd soo caga dhigatay Mid ka mid ah Diyaaradaha qaadi laheyd Labada Wafdi Midkood.
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa haatan ku sugan Wafdi uu horkacayo Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdisalaan, kuwaasoo sida la sheegay ku sii jeeda Dalka Jabuuti oo todobaadka soo socda dib uga bilaaban doono dhameysrirka wada hadaladii u socday Dowladda iyo Mucaaradka.
Wafdiga ayaa sida wararku sheegayaan sii maraya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaasoo ay ka raaci doonaan Tiro xildhibaano ah oo wada hadalka Dowladda u matalaya.
Sidoo kale waxaa iyana Aqalada aan kala fogeyn ee Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ka socda diyaar garowga socdaal ay Labadaas, Mas'uul maanta uga ambabixi rabaan Magaalada Addis Ababa, kadib markii uu baaqday safarkii shalay ay ku aadi lahaayeen, Dalka Ethiopia.
Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaan la ogeyn inay hal diyaarad wada raaci doonaan iyo in kale, waxaase socdaalka Ethiopia ku tagayaan uu yahay mid Dowladda Ethiopia ay ugu yeertay Dalkeeda, si ay is faham u dhex dhigto
Labadan Mas'uul ayaa Dalka ka tagaya iyagoo aan heshiis aheyn, waxaana Dowladda Ethiopia ay awoodaa inay heshiis kala dhex dhigto Mas'uuliyiinta Dowladda, maadaama Kumanaan kun Ciidamadeeda ay taageeraan Dowladda Soomaaliya ee aan cagaha badan ku taagneyn