HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Waxaa dhawaan saxaafadda qaar ka mid ah weraysi siiyey C/qaadir Xaaji
Ismaaciil Jirde oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiiladda horana u ahaan
jiray guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee golaha wakiiladda Somaliland, laguna
tiriyo inuu udub dhexaad ka ahaa xubnahii salka u dhigay fasiiradda iyo
unkidda xeerarka dastuurka Somaliland ay hadda ku dhaqanto.

C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde wuxuu kow ka ahaa xubnahii u ololeeyey in
Madaxweynaha tallada hadda haya oo wakhtigaasi ahaa M/weyne ku xigeenkii
Somaliland uu noqdo Madaxweyne ku meel gaadh ah ka dib markii uu xilka
hogaanka qarranka ka geeriyooday madaxweynahii hore ee Somaliland alla ha u
naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxaanu C/qaadir hogaan u noqday
guddiyo kala duwan oo siyaasadeed oo qayb ka noqday daminta xiisado
siyaasadeed oo dalka ka dilaacay sida khilaafkii dhex maray Madaxweyne
Cigaal  iyo Guddoomiyaha wakhtigani ee golaha guurtida Saleebaan Maxamuud
Aadan oo wakhtigaasi Saleeban xabsiga lagu dhigay, wuxuuna C/qaadir door
weyn ka cayaaray sidii Saleeban xorriyadiisa shakhsiyadeed iyo tiisa
siyaasadeedba loogu soo celin lahaa.

C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde waa aqoonyahan, sharci yaqaan, ilaahay karti
badan u siiyey codkarnimo balse leh dulqaad siyaasadeed, wuxuu badanka ka
dhawra carabkiisa weedho dhalin kara khilaaf siyaasiya, muddooyinkii ugu
danbeeyey wuxuu C/qaadir ka mid ahaa xubnaha xisbiga tallada dalka haya ee
UDUB oo uu ka tirsanyahay ay saaxaddooda ka saareen iyagoo u arka inuu
khatar ku yahay siyaasadahooda gaarka ah.

C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde uma hadal iyo dood badna sida siyaasiyiin
badan oo mucaarid ah, waxaana hadalkiisa lagu arka saxaafadda sannadkiiba
mar ama laba jeer, wallow aanu barxadda siyaasadda qarranka ka maqnayn, waa
siyaasi aaminsan in ta keliya ee lagu gaadhi karo horumar ay tahay in lala
dagaalamo musuq maasuqa iyo jahliga isla markaana la abuuro unugyo
aqoonyahano ah kuwaasi oo fekerkooda lagaga midho dhalin karo sidii
qarrankani loogu heli lahaa baahiyaha weyn ee uu qabo hadday tahay dibu
habayn balaadhan oo lagu sameeyo hanaankeena dhaqaalaha, dibu habayn
balaadhan oo lagu sameeyo wajiyada siyaasadda qarranka, sidii loo heli lahaa
hanaan cad oo ay iska kaashadaan siyaasiyiinta mucaaridka, muxaafidka iyo
kuwa madaxa banaan oo Somaliland loogu helo aqoonsi caalami ah oo ay beesha
caalamka ka hesho.

C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde waa khabiir aqoon badan u leh hab dhaqanka
bulshadeena, beelaheena iyo deegaanada ay somaliland ka koobantahay waxaana
taasi u sahlay 15-kii sannadood ee uu hogaanka u hayey aqalka hoose ee
baarlamaanka Somaliland, isagoo ka mid ahaa xubnahii udub dhexaadka ka ahaa
shirarkii beelaha ee Burco, Boorama iyo Hargeysa, wuxuu sidoo kale tiir
dhexaad ka ahaa unkiddii iyo dhaqaajintii hanaan dimuqraadiyadeedka
Somaliland, wuxuu qaybta ugu weyn ka cayaaray sidii loo kala diri lahaa
baarlamaankii uu hogaankiisa hayey sannadkii 2005-tii loona heli lahaa
baarlamaan ay dadku soo doortaan.

C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde wuxuu aaminsanyahay in mucaaridada xag jirka
ah iyo muxaafidnimada danaysiga ah ay tahay wax burburin kara qarranka
yagleesha ah ee Somaliland si taasi looga gudbana loo baahanyahay maskax
caafimaad qabta oo qarranka ugu shaqaysa feker ka caafimaad qaba eexasho,
qof jeclaysi, reer jeclaysi, gobol  jeclaysi ama shakhsi jeclaysi, ta keliya
ee Somaliland lagu iibin karaana ay tahay sidii guud ahaan Somaliland oo mid
ah si isku mid ah oo xallaal ah wax loogu wada qaban lahaa.

Haddaba waxaan ka codsanaya dhalinyarada, aqoonyahanada, haweenka,
culuma-awdiinka  inta danaynaysa in jihada siyaasadeed, dhaqaale, bulsho ee
dalkeena isbedel ku yimaado inay igu soo biiraan baaqaygani ah in Xisbiga
UDUB ay u sharaxan sannadkani C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde inuu noqdo
musharaxooda madaxtinimada  si looga saaro qarrankeena baylaha badan ee
haysta.

*ku soo dir taageerada aad u hayso C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde*
**
* **jirde.for.president@gmail.com* <jirde.for.president@gmail.com>
**
*waxaa baaqa taageeradaada lagu muujin doona saxaafadda Somaliland.*
**
*Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)*
*London, UK.*
*diridhaba@gmail.com*
 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.