Nin Darawal ah oo ay saakey toogten Ilaalada Madaxweynaha Soomaliya iyo Howlihii waddada Maka Al-muka gabi ahaanba xirmay .Howlihii ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka iyo dadkaba ayaa saaka ka xirmay waddada Maka Al-Mukarama oo isku xirta Madaxtooyada. iyo Garoonka Diyaaraha Caalamiga ah ee Muqdisho.
Xiriitaankaan oo dhibaatooyin waa wayn ilaa iyo hadda u gaysay noloshadii dadweynaha ayaa wararka ka soo baxaya waxaa ka mid ah in lagu dilay ka soo horjeedka Guriga Shaqaalaha nin Darawal ah ka dib markii Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ee waddadaasi xiray uu xabad Madaxa kaga dhuftay.
Dilkaan oo sababay in ninkaasi uu isla goobtiiba ku ruux baxo ayaa ku soo aadaya socdaalka Madaxweynaha dowladda fedaraalka Cabdullahi Yuusuf Axmad iyo madaxda kale ee ugu sarraysa Dowladda Fedaraalka ay ku tagayaan Magaalada Addis Sababa ayaan la ogayn ilaa iyo hadda sababta rasmig ah ee dilkaasi keentay.
Dilalka nuucaan oo kale ah oo ay ciidamada dowladdu horay ugu gaysan jireen dadka rayadka ah oo aan waxba galabsan ayaaney muuqan in falkaanina u muuqan in wax tilaabo ah laga qaadi doono