 Waxaa Xafladaasi ka hadlay, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Beeraha, Wasiiru Dowladaha Waxbarashada, Wasiirka Waxbarashada, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Maayarka Borama, Guddoomiyaha Gobalka Awdal, Guddoomiyaha Jaamacada Burco, Madax ka socotay Midowga Yurub iyo weliba Saxafiga caanka ah ee Axmed Xasan Cawke. Sawirada.
Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo furitaankaasi ka hadlay ayaa ka faalooday marxaladihii kala duwanaa ee Jaamacada soo martay, waxuuna sheegay in markii ay aasasayeen 1998 aysan dadka intooda badan fileyn inay heerkaan Jaamacada gaadhi doonto.
Guddoomiyaha waxuu u mahadceliyay wax-garadka gobalka Awdal gaar ahaan Borama oo uu sheegay inay habeen iyo dharaar garab istaageen sidii jaamacada u hirgali laheyd, waxuuna ugu baaqay inay dadaalkooda wali sii wadaaan.
( Marti-sharafta ka soo qaybgashay munaasibada qalinjabinta ardayda Jaamacada Camuud).
Waxa uu sheegay in ardayda ka baxda Jaamacada CAMUUD ay ka soocan yihiin ardayda kale, isla markaana kaalmaha ugu horeeya ka galaan goobaha ay u shaqa tagaan, waxuuna kula dardaarmay ardayda maanta qalin jabiday inay waxbarashada sii wadaan ayna yihiin danjirayaal Camuud u kala fadhin doona goob kasta oo ay caalamka ka aadaan.
Waxaa sidoo kale xafladaasi ka hadlay, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Beeraha, Wasiiru dowladaha Waxbarashada, Wasiirka Waxbarashada, Guddoomiyaha xisbiga UCID, Maayarka Borama, Guddoomiyaha Gobalka Awdal, Guddoomiyaha Jaamacada Burco, Mas'uuliyiin ka kala socday hay'ado dhowr ah, Madax ka socotay Midowga Yurub, Saxafiga Axmed Xasan Cawke, waxeyna dhamaan u hambalyeeyeen ardaydaan qalin jabiday waxeyna u rajaayeen guul mustaqbalkooda dhow ku aadan.
(Wariye Axmed Xasan Cawke)


|