HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Mid Ka Mid Ah Xubnihii Ugu Firfircoonaa Ergedii Ka Qayb Gashay Shirkii Gar-Adag Oo Loo Xidhay Aargoosi Siyaasadeed

Ma aha falkii ugu horreeyey ee noocan ah ee

Hargeysa:- Mr. Jaamac Maxamed Ducaale (Foos) oo ka mid ahaa xubnihii ugu firfircoonaa ee sida weyn uga dhex muuqday shirkii Gar-adag oo ay walaalo yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa muddo laba toddobaad ah ku xidhan magaalada Hargeysa aargoosi siyaasadeed awgii iyada oo aan maxkamad la hor keenin, sida lagu sheegay warbixin koban oo ay xadhiggiisa ka diyaarisay shabakada Somaliland.org oo aanu warkan kasoo xiganay.

Foos Maxamed Ducaale waxa la xidhay wax yar kadib markii uu ka soo laabtay Shirweynihii beelaha Bariga Burco uga socdey Magaalada Gar'adag ee gobolka Sanaag oo uu ka mid ahaa ergooyinkii Qurbajoogga ee ka qaybgelayey, si cadna looma oga sababta xadhiggiisa iyo wax loo haysto.
Hase yeeshee, waxa la rumaysan yahay in xadhiggiisu yahay aargoosi siyaasadeed oo laga dabajoogo shirkii Gar'adag oo Mr. Foos iyo Axmed Yuusuf Ducaale (Dhigane) oo isku dhinac ahi ay si adag uga soo horjeesteen Buurmadow iyo koox uu horkacayey, kaas oo ay dabada ka wadeen ama taageerayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Siciid Yuusuf Ducaale oo xubin firfircoon ka ah xisbiga UDUB, isla markaana laga soo eryey magaalada Gar'adag, kadib markii uu qas iyo muran ka abuuray halkaas, isagoo isku deyayey inuu burburiyo shirka.Dad goob-joog ahaa ayaa sheegay in muddadii uu Gar'adag joogey ay Mr. Foos soo gaadhayeen hanjabaado ah in la xidhi doono marka uu Hargeysa yimaaddo, waaranka qabashadiisuna uu diyaar yahay. Hase yeeshee, waxay wararka qaar sheegayaan in markii uu Hargeysa yimi Jaamac Maxamed Ducaale (Foos) loo sameeyey kiis ama dacwad been abuur ah oo si shirqool ah ay uga soo shaqeeyeen xubnaha qoyskiisa ee ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga UDUB.Shirqoolada iyo Aargoosiga siyaasadeed ayaa ah dhaqan looga bartay xukuumadda Daahir Riyaale oo ay markasta u isticmaasho inay kula dagaalanto mucaaridkeeda. Waxayna tani muujinaysaa in aanay jirin wax dammaanad qaadaya xuquuqda muwaaddinka, awoodda xukuumaddana loo adeegsan karo in la iska xidho qofkii la doono.

Ma aha falkii ugu horreeyey ee noocan ah ee Xukuumad Rayaale kula kacday dad aan dembigan ay si sharci darro u xidhxidhi. Hase yeeshee, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Xirsi Cali X. Xasan iyo Abshir Xasan Xaashi ayaa iyagan la sii daayay markii ay in muddo ah ay xidhnaayeen iyadoo aan maxkamada la horkeenin.




Saxannews
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.