HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha oo lagu kala diray Maamulkii Gobolka Banaadir ayaa lagu magacaabay Xubno Kmg ah oo howsha Maamulka sii wadaya, tan iyo inta laga soo dooranayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo xubnaha Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan yeeshay ayaa u muuqday kuwo isku raacay go'aanka lagu kala diray Maamulka Gobolka Banaadir ee uu madaxda u ahaa Maxamed Dheere.

Gudigan la magacaabay ayaa si Kmg ah u heynta doono mudada 15-ka cisho ee kala guurka ah, iyadoo aanay isu soo sharixi karin Doorashada, hase ahaatee ay soo qaban qaabin doonaan doorashada lagu dooranayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ninka Madaxda looga dhigay Gudigan oo lagu magacaabo Ibraahim Sheekh Muxidiin ayaa ah siyaasi qunyar socod ah, isla markaana ay beel wadaag hoose yihiin Ninka xilka laga qaaday ee Maxamed Dheere.

Arrinta dadweyneha Muqdisho is weydiinayaa ah ka soo dhex muuqashada Maamulkan Kmg ah nin sida la sheegay horay xil uga soo qabtay Maamul Goboleedka Puntland, waxaana tani ku macneynayaan mid sad bursi ah, oo dadka u dhashay Gobolka Banaadir aan lagu koobin.

Saciid Jaamac Qoorsheel oo horay u ahaa Wasiirka Sportiga Puntland ayaa ka mid ah Xubnaha Kmg ah ee Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo uu soo magacaabay Madaxweynaha, waxaana la ogeyn hadafka uu Madaxweynaha uu ka leeyahay iyo inuu ka tusaale qaadanayo hadalkii ka soo yeeray Odayaasha Puntland ee ahaa in dhismaha Maamulka Gobolka Banaadir lagu saleeyo nidaamka 4.5, taasoo dad badan ay ka soo horjeesteen.

Xubnaha Guddiga KMG ah ee Gobolka Banaadir

Ibraahim Shiikh Muxyadiin Guddoomiyaha Guddiga
C/qaadir Maxamuud Walaayo Ku xigeen
Xasan Maxamed Cusmaan Xaaji Xubin
Inj C/llaahi Cali Gadaafey Xubin
Maxamed C/llaahi Xaamud Xubin
Inj. Maxamed Jaamac Kulmiye Xubin
Xuseen Caddow Cali Xubin
C/llaahi Cabdulle Wehliye Xubin
Suufi Muudey Cali Xubin
Cali Macallin Nuur (Cali Yare) Xubin
Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel) Xubin
Nuur Maxamed Xuseen Xubin

Xilka Guddiga cusub ayaa noqon doona xoojinta hab-sami u socodka howlaha Maamulka Gobolka Banaadir tan iyo inta laga dhisayo hoggaamin fulineed oo cusub, abaabulidda hoggaaminta iyo xulashada Golaha Wada-tashiga Deegaanka, Doorashada Maamulka cusub, dejinta shuruudaha ka mid noqoshada Golaha Wada-tashiga.

Xubnihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha lagu faray in ay xilkooda iyo dhamaan wixii hanti ah ee uu gobolka leeyahay ay ku wareejiyaan Guddiga cusub, iyadoo Hay’adaha Dowliga iyo kuwa aan Dowliga ahayn-na laga codsaday in ay wareegtada Madaxweynaha u hoggaansamaan, isla markaana ay la shaqeeyaan Guddiga cusub
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.