Meydka Qof dumar ah ayaa laga helay Xaafad ka tirsan Degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, taasoo ka muuqatay gowrac loo geystay.
Sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno Meydka Haweeneydan ayaa lagu arka meel howd ah, iyadoona qoorteeda ay bireysneyd, sida ay inoo sheegeen dad soo arkay.
Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacay meydka, iyadoona dadka ay ku reebtay fajaciso iyo uur ku taalo, waxaana dhacdadan ka anfariiray qoyska ay ka soo jeeday Haweeneydaas sida arxan darada ah loo bireeyay.
Ilaa saddex ruux ayaa sida la sheegay habeenimadii xalay kala soo baxay Guri ay kaligeyd ku nooleyd, iyadoo aan la ogeyn ilaa iyo hada sababta ka dambeysa dilkeeda, waxaana sidoo kale la ogeyn in dilkeeda uu ku tacaluqo arrimo tuugonimo ama mid siyaasadeed.
Xaalada Degmada Dharkeenley ayaa aad u kacsan, iyadoo dareen naxdin leh ay abuurtay gowraca loo geystay Haweeney ka mid aheyd dadka deegaanka.
Labo maalmood ka hor ayay aheyd markii halkaas laga helay Meydka Nin lugaha iyo gacmaha ka jaran, kaasoo aan la ogeyn cida dishay iyo shaqsiyan qofka uu ahaa, waxaana arrimahan ay qeyb ka yihiin dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Caasimada, kuwaasoo badankood loo aaneyo dhinacyada iska soo horjeeda ee ku sugan Muqdisho