Madaxa Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta uga qeyb galeysay Shirka wada xaajoodka Jabuuti ee habeenimadii xalay lasoo gaba gabeeya C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in qodobada lagu heshiiyay ay ka mid ahed in Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Xaafadaha dadka rayidka in 15-cisho gudahood uga guureen.
Mr C/raxmaan C/shakuur oo dhinaca Isbaheysiga Dib u Xoreynta u saxiixay heshiiskii xalay ayaa sheegay in go'aanada ay yihiin kuwo wanaagsan, isla markaana horay loogu qaaday dhinaca nabada sida uu yiri.
"Ciidamada Ethiopia ee degan xaafadaha dadka rayidka muddo 15 cisho ayay isaga baxayaan, meelaha ay ka baxaan waxaaa la geynayaa Ciidamo isku dhaf ah oo ka socda Dowladda iyo Isbahesiga, si ay amaanka u sugaan"ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Wuxuu sheegay in marka ay baxaan Ciidamada Ethiopia la go'aamiyay in dalka la keenoi Ciidamo caalami ah oo u adan dalalka Islaamka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay dhaqan gelinta qodobkaad.
Hadalka Mas'uulkan ka tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta ayaan la ogeyn sida uu ku dhaqan geli karo, iyadoo Ciidamada Ethiopia Magaalada Muqdisho kaga sugan yihiin Goobo muhiim ah, waxayna ku soo beegmeysaa, xilli uu khilaafyo majaro adag u dhaxeeyo Dowadda Federaalka dhexdeeda iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta oo labo garab u kala jabay