HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Dubia(djiboutination)Xulka Argentina ayaa si naxariis daro ah 3-0 ugu awood sheegtay xulka ay deriska yihiin ee Brazil una soo gudbay finaalaha tartanka Olombikada aduunka oo ay isku arki doonaan dalka Nigeria oo kulankoodii maanta 4-1 kusoo doogay qaranka Belgium.

Ciyaaryahan Sergio Aguero ayaa dhaliyey labo kamid ah goolasha Argentina halka goolka sedexaad oo rigoore ahaa uu shabaqa ku hubsadey Juan Ramon Riquelme iyadoo 3da goolba ay wada dhasheen qeybtii labaad ee ciyaarta.

Kulankaan oo ay qeybtiisii hore labada dalba ay dhufeys isugu jireen ayaa bilowgii qeybtii labaad labo gool oo xiriir ah 5 daqiiqo guduhood looga dhaliyey Brazil oo tan iyo markii uu tartankan bilowday aan wax gool ah laga dhalin iyadoo dhamaadkii ciyaartana calaamada guduudan loo taagay ciyaaryahanada reer brazil ee Lucas iyo Thiago Neves markii ay labadaba qalad ku galeen xidiga Liverpool Javier Mascherano.

Kulamada dhexmara labadan dal ayaa ah mid aad u adag isla markaana aad looga daawado aduunka intiisa kale iyadoo kulankaan ahaa kii 94aad ee dhex mara labadooda, min 35 kulan ayey kala badiyeen iyadoo 24ka kalena ay bareejo ku kala bexeen.

Argentina oo ah dalka difaacanaya koobkan ayaa hadii ay ka badiyaan dalka Nigeria noqon doono dalkii 4aad ee labo jeer oo isku xiga hantey bilada dahabka kubada cagta Olombiga iyadoo ay uga horeeyeen dalalka Britain, Uruguay iyo Hungry.

Nigeria oo aad uga ciyaar wanaagsaneyd dalka Belgium ayaa waxaa goolasha u kala dhaliyey Olubayo Adefemi, Edu oo labo gool dhaliyey iyo Chibuzor Okonkwo oo goolkii 4aad dhaliyey halka goolka keliya ee Belgium oo boloziyoon ahaa uu dhaliyey Laurent Ciman labo daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta.

Kulanka finaalaha ayaa maalinta Sabtida ah dhex mari doono labadan dal ee Argentina vs Nigeria taasoo dad badan soo xusuusineysa finaalhii yaabka lahaa ee ciyaarihii Olombiga 1996 lagu qabtey Atalanta markaasoo qaranka Nigeria 3-2 ku dhuftay dalka Argentina oo xidigihii u safnaa kulankaas ay ka mid ahaayeen Ortega, Crespo, Almeyda, Simeone halka xidigihii ka adkaadey ee Nigeria ay ka mid ahaayeen Okocha, Kanu, Amokachi, Ikpeba, Babayaro.

Argentina oo sanadkaas loo saadaalinaayey iney ka adkaan doonto Nigeria ayaan dhicin iyadoo mar kale ay aad u yaryihiin dadka u maleynayo in Nigeria ka adkaan doonto Argentina ayaa la arki doonaa bal in mar kale ay quusiyaan iyo in kale
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.