Kooxaha ka soo horjeeda Siyaasada Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Ethiopia ayaa ku guda jira diyaar garowgii u dambeeyay ee ay kula wareegayaan Magaalada xeebta leh ee Kismaayo.
Diyaar garowgan ayaa yimid kadib markii Kooxaha Islaamiyiinta ay ku soo dhowaadeen Magaaladaas, howl galna ka fuliyeen dhinaca galbeed ee Magaalada Kismaayo oo ay maamulaan Beesha Sade.
Magaalada Kismaayo waa magaalo istiraatiiji ah, ma ahan Magaalo hoos tagta Dowladda Federaalka, mana ka jiro nidaam iyo maamul toosan, waxaa Magaalada si kooxeysi u maamula maleeshiyo beeleedyo, sanad iyo bar ka hor waxaa laga soo eryay Magaaladaas Maamul ay Dowladda Federaalka u magacowday, kaasoo dagaal ay kaga soo horjeesteen Maleeshiyo ku heyb Xildhibaan Barre Hiiraale oo horay u Madax uga ahaa Isbaheysigii Dooxada Jubba.
Dhaq dhaqaaqyada hada socda waa kuwo aad isa soo taraya, waxaana Kooxaha islaamiyiinta la sheegayaa in ay doonayaan in ay la wareegaan magaaladaas istiraatiijiga ah, si ay uga mid noqoto goobaha ay Maamulaan.
Hareeraha Magaalada Kismaayo waxaa lagu arkay Dagaalyahano kala taabacsan Maxkamadaha iyo Alshabaab oo labaduba ah Labo Garab oo Islaami ah, kacdoon ballaarana kala soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ethiopiankooda wehliya.
Diyaar garowga Kooxahaas waxaa mid ka soo horjeeda wada Maleeshiyo beeleedyada halkaas gacanta ku heysa oo 12-kii saac ee la soo dhaafay waday abaabul ciidan, oo ka dhan ah dhaq dhaqaaqyada Kooxaha Islaamiyiinta.
Xalay oo dhan Magaalada waxaa laga maqlayay shanqarta Rasaasta kala duwan ee saaran gawaarida, waxaana ay u muuqdeen kuwo la diyaarinayay oo aheyd Baroobo.
Maleeshiyada Beesha gacanta ku heysa Kismaayo ayaa doonaya in Magaalada ka difaacdaan Kooxaha ka soo horjeeda oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay magaalada qeybaheeda kala duwan ka fuliyay howl gal burcad sifeyn ah oo ay ku dileen Maleeshiyo jidgooyo u tiil.
Odayaasha Magaalada ayaa iyana dhankooda lagu soo waramayaa inay wadaan sidii ay u damin lahaayeen xiisadaha kala duwan ee Magaalada ka socda, si Magaalada aanay u noqon mid ay ku dagaalamaan Dhinacyadaas wada abaabulka iska soo horjeeda.
Si kastaba ha ahaatee dhaq dhaqaaqyada Ciidan ayaan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaan, iyadoo durba ay isa soo tarayaan walaac arrintan laga muujinayo