HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Dawladda Muqdisho Waa Koox Ka Mid Ah Kooxaha Isku Dilaya, Halka Ay Hargeysa Ka Jirto Dawlad by John Sep 07, 2008 at 01:31 AM

Washington,- Suxufi madax banaan oo u dhashay dalka Maraykanka oo magaciisa la yidhaahdo John Kelley oo horraantii sannadkan booqday meelo ka mid ah dhulalka ay Soomaalidu degto ayaa warbixin uu safarkiisa ka diyaariyay isbarbar dhigay hannaanka nabadeed ee ka jira meelo ka mid ah dhulka ay Somalidu degto iyo maamulada ka jiraba.

Qoraalkan oo ah mid dheer oo uu suxufigu diirada ku saarayo xaaladda nololeed, amni iyo kala duwanaanshaha dadka ku nool meelahaas oo ku qornaa afka Ingiriisiga oo aanu soo turjunay ayaa waxa uu u qornaa sidan:

"Maanta waddooyinka ugu waaweyn ee magaalada Muqdisho ee ay ka jiraan saxmadda iyo ganacsigu waxa la ii sheegay in aanay tobaneeyo sano ka hor ahaan jirin kuwa ugu muhiimsan, laakiin markii la i tusay meelaha ugu maqaamka sarreeyay xilliyadaa hore maskaxdayda way geli wayday, waa dhulka laga guuray oo imika noqon kara madxaf laga sawiran karo taariikhda runta ah ee wakhtigan ka jirta magaaladaas. Waxa ka muuqda dhismeyaasha burbursan rasaasta hubka kala duwan oo meel walba kaga taala, xataa waxaa ku jira madaafiic. Halkani waa meel la yaab leh, waxa la ii sheegay inay xilliyadaa hore ahayd xaafadda ay ku yaalaan Hotelada ugu waaweyni iyo waliba baananku, si kooban haddaan u idhaahdo waxay ahayd muraayada magaalada, laakiin imika sidaas maaha, magaalada Muqdisho waxa aan tagay aniga oo rumaysan in ay beesha caalamka oo uu ku jiro Maraykanku tilmaamo qalafsan ka bixiyaan wadan u baahan in la gargaaro, laakiin markii aan kasoo baxayay sidaa maan aaminsanayn, waxaan ku dhawaa inaan ku taageero ra'yigoodaa hore, waa magaalo la yaab leh, todoba iyo toban sannadood ayuu si xidhiidh ah uga socdaa dagaal ay isku hayaan dadkii lahaa, iyagaa is dila, laakiin dhawrkii sannadoodba dhinacyada iska soo horjeeda waxay wataan wajiyo cusub iyo magacyo cusub, mudadaa dheer ee dambe kuwa xabada isku ridaya may ahayn dawladdii xukunka laga tuuray iyo maleeshiyooyinkii ku kacsanaa ee dagaalka hubaysan la galay, waxay ahaayeen qaar kale walina way yihiin. Magaaladan oo ah xarunta Somaliya wax waliba waa raqiis, xataa nolosha dadka ayaa ah mid aan macno ku fadhiyin oo iyaduna raqiis ah. Hotel-ka waxa wax lagaga cunaa qiime aad uga jaban kuwa wax lagaga cuno magaalooyinka kale ee maamulada kale ee nabdooni ay ka jiraan. Suuqa weyn ee Bakaaraha qadar kasta oo lacageed oo aad la gasho waxaad ku helaysaa wax aad ku iibsato oo waliba ah wixii aad u baahnayd ama wax ku dhow.

Nasiib darrada ugu weyni waxay tahay nolosha qofka binu-aadmiga ah oo wax kasta oo kaleba ka macno hoosaysa oo ka jaban, sanqadha rasaasta waxaad maqlaysaa saacad kasta mana kala foga, inta badana lama hubo cidda is dilaysa ee ay rasaastaasi ku dhacayso, waxaad arakysaa qof mayd ah oo yaala suuqa badhtankiisa oo ay hareeraha ka dhaafayaan dadka oo dhami taa macnaheeduna maaha in aanay dadku is waydiinaynin balse kama hadli karaan oo nafahooda ayay kala cabsanayaan, waxna kama qaban karaan, ma jiro boolis iyo ampulance qofkaa usoo gurmanaya haddana marka aad joogto Nairobi waxa dhagahaaga ku badanaya magaca maqalka dawladda ku meelgaadhka ah halkanse (Muqdisho) dawladdu waxay ka mid tahay kooxaha is dilaya". Sidaa qoray suxufi Maraykanka ah oo magaciisa la yidhaahdo John Kelley oo sannadkan horaantiisii booqday dalkii la odhan jiray Somaliya oo Muqdisho ay ka mid tahay.

Sidaa si la mid ah wuxuu suxufigani qoraalkaa xaaladda qalafsan ee Muqdisho ku barbar dhigay nolosha Hargeysa.

"Wakhtiyadii ay jirtay dawladdii ay labada dal ku midaysnaayeen, Hargeysi waxay ahayd magaalada labaad ee Somaliya, laakiin maanta waa magaalada koowaad ee Somaliland dhamaanteed beesha caalamkuna haddii ay jirto cid ay dulmeen taasi waxay noqonaysaa Hargeysa, halkaa waxa ka jirtay nabadgelyo buuxda, kala dambayn iyo haykal dawladeed, waxay leeyihiin lacag u gaar ah iyo waliba calan u gaar ah, waxa joogta dawlad raali laga yahay xukunkeeda oo la doortay taasoo wakhtigeeda inta badan ku bixisa ilaalinta nabadgelyada. Hargeysa wax waliba waa qaali oo ay ku jirto nolosha qofku, faraqa u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa ma aha oo kaliya in midna qofka si fudud loo dilo ta kalena aanay suurtogal ahayn in qof la khaarajiyo ee waxa jira kala duwanaansho intaa ka badan oo dhan walba ah, hotelada waaweyn ee Hargeysa xilliga qadada waxa kugu filan marka aad qof kaliya tahay lacag $20 ka badan, halka ay Muqdisho intaasi kuu goynayso wax qado laba goor ka badan, waxa jooga dad hanweyn oo ku riyooda in ay ku dhaqmaan nidaamka dawladnimo ee ka jiro Yurub iyo Maraykanka laakiin badhbay sidaa yeeleen. Tirada baabuurta tiknikada ah iyo kuwa macno la'aanta qoryaha u sita ee aad ku arkayso waddooyinka Muqdisho kuwo la tiro ah oo ah arday iskuulo kasoo rawaxday ayaa kugu waydaaranaya jidadka laamiyada ah, halka uu Muqdisho qofku ku werwerayo iska eegiddda rasaasta aanu garanaynin dhinaca ay kaga imanayso iyo sababta ay ugu dhici doonto doona, Hargeysa waxa yaala werwer kale waana shaqo la'aanta, run ahaan waa kaas werwerka ugu weyn ee uu dadka Hargeysa joogaa ka siman yahay, dawladduna in kasta oo aanay caalamka ka helin kaalmo haddana waxba kama hor taagna inay lugaha kala bixiso oo ay inta awoodeedu tahay wax ku qabato, laakiin waxay laabatay gacmaha oo waxay wax kasta oo ay qaban kari lahaydba ku xidhay aqoonsi ay ka hesho beesha caalamka taasoo aanay ogeyn wakhtiga uu imanayo. Meesha kale ee ay Somalidu degto ayaa ah dawlad kursi ku leh Qaramada Midoobay oo ka mid ah dawladaha urur goboleedka IGAD, dhul ahaan way ka yartahay labadaa horeba laakiin waxa joogta dawlad karti badan oo ka gudubtay in looga werwero nabadgelyo darro, madaxweynaha kursiga ku raagay ee Ismaaciil Cumar Geele waa nin firfircoon oo karti u leh inuu dunida tuso dalkiisa yar, haatana waxa halkaa saldhigyo ku leh dawladaha waaweyn oo ay Maraykanka iyo Jarmalkuba ku jiraan halka ay dawladda Faransiiskuna hore u joogtay, madaxweynahaa da'da yari waxa kale oo uu wakhti ku bixiyaa sidii qoomiyadahaa ay isirka wadaagaan loogu soo dabaali lahaa nolosha" ayuu ku yidhi wariyuhu qoraalkiisa.

 

Source Saxansaxo

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.