*SHEEKO XIISA BADAN :KARAAMO-BEEL*
Wuxuu ahaa oday miskiin ah oo ku soo koray kuna qanacsan nolosha miyiga ee
uu markaa ku dhex jiray. Shaqadiisu kamay badnayn inuu subaxdii salaada hore
kaco si uu geela u liso ka dibna inta uu foofiyo uu inamada uu dhalay
raaciyo si maalinta inta ka hadhay ay u jiraan waxoogaaga geela ah ee uu
leeyahay. Haweenka laftoodu kamay liidan oo marka xaynta yare e adhiga ah
laga dhiijiyo caanaha subaxdii ayaa lagu sii daayaa naqda markaa reerka ku
xeeran oo cagaar ah. Odaygu marka uu intaa isku dubbarido inta uu caday
dheer la soo baxo ayuu soo fadhiistaa ardaagiisii lagu yaqaanay isagoo
candhuufta iyo xaakada hadba dhina u tufaya oo inta uu waysadiisa yar la soo
baxo ku luqluqanaya. Inta kildhiga shaaha ah ay islaantu u bigaynayso wuxuu
wuxuu fiirfiiriyaa wixii baylah ah ee reerka ka jira si uu ugu mashquulo ha
noqoto muska oo god-daloolooyin yeesha, oodda xerada xoolaha oo uu inta uu
laamo dheeraad ah soo jaro ku gufeeyo meelaha banaan iyo cawska ardaaga oo
uu yara giigiijiyo.
Waxa yimaada shaahii oo inta ay islaantu si fiican u soo bigaysay xawaash
iyo sonkorna ka soo buuxisay caanihii riyaha lagu soo cadeeyay oo noocii
dhako-fujiyaha la odhan jiray ee xaraaradda loo cabbi jiray ah. Inta uu
salka dhigo oo uu koob weyn oo galaan le'eg ku shubto ayuu inta aanu
kabbanin dhafoorka laba goor iska saaraa ka dibna si baahiyi ku mirto uu u
furruqsadaa. Kaasi oo keliya maaha ee sidaas buu ku wadaa ilaa uu hubsado
inuu kildhiga guntiisii arki karo oo dhibicda ugu dambaysa ka gororsado.
Intaasi marka ay dhacdo ayuu inta uu in yar oo buuri ah jeebka kala soo baxo
oo uu halkii loogu talagalay ku gufeeyo ka dibna dhankaa iyo tuulada u
dhaqaaqaa isagoo laalaadinaya caagad caano ah oo uu saaka geela ka lisay.
Halkaas waxa ay ku kulmaan odayaasha kele ee deegaanka waxaana inta maqaaxi
la dooyaysto la is waydaarsadaa wararka guud iyo kuwa gaarka ah ee markaa
laga hadal hayo deegaanka. Wuxuu ku jiraa odayaasha wax laga dhegeysto
dhowaana reerkiisu waxay u caleemo saareen inuu u noqdo caaqil si uu u
furdaamiyo arrimo badan oo iska galay jilibada kele ee la nool oo markaa loo
arkayay inuu wax ka qaban karo. Marka tuulada la joogo wuxuu ka mudan yahay
ixtiraam oo marka garta la isa soo hor fadhiisto weedhiihiisu inta badan waa
qaar dhaxal gal ah. Inta uu tuulada joogo shaahiisu waa bilaash oo kolba
waxa bixiya cidda markaa uu la fadhiyo iyadoo lagu ixtiraamayo kaalinta uu
kaga jiro deegaanka waxaana inta badan loogu yeedhaa Caaqil oo aad moodo
inuu kaba xoog roonaaday magaciisii caadiga ahaa.
Maalintii dambe waxa uu go'aansaday inuu xagaa iyo caasimada u kaco bal si
uu u soo indha indheeyo kiisas la sheegay inay saldhiga bilayska yaalaan oo
khuseeya dad isagu markaa uu caaqil u yahay. Taas oo keliya maahee waxa uu u
xiisooday bal inuu sidoo kele isha soo mariyo xaalada guud ee magaalka iyo
hadiiba ay dhacdo sidii loogu noolaan lahaa. Maalintii uu magaalada soo
galayba wuxuu la kulmay wax aanuu noloshiisa filanaynin. Odaygii yaraa ee
dharka cawlnaa waxaaba lagala hor yimid caleemo qoyan, baabuur iyo boqolaal
dad ah oo u taagan soo dhowayntiisa. Boodhadh baaba la sitaa waxaana si isku
mid ah loogu dhawaaqayaa magaciisa. Firka nax, indhuhuu taagtaagay dhowr
goorna waabuu is dhirbaaxay oo is yidhi malaa waad riyoonaysaa bal toos. Ha
sheegin, walee waaba run. Mise waxaaba loo walwaalay xagaa iyo hudheel ka
mid ah kuwa ugu caansan magaalada oo qado aanuu noocyo ka mid ah weligiiba
maqal loogu diyaariyay. Odaygii yaryaa weli waa cawlan yahay oo waxa ka
muuqata diiftii uu kala soo hayaamay miyiga lakin meesha waxaa dhooban
tobanaan qof oo ka socda warbaahin kala duwan. Kamarado ayaaba lagala daalay
oo markii uu walac-walacdoodii adkaysan waayay uu ka codsaday inay ka
daayaan. Waxaaba meesha ka hadlaya niman aanuu weligii maqal mooyaane
wejigooda arag oo siyaasiyiin iyo aqoon yahan ah. Xataa eraybixintan lagu
hadlayo badankeedu way ku cusub tahay oo waa tii magaalada ilayn isagu
jaraa'idna ma akhriyee. Waxay ugu darnayd markii microphone ka lagu soo
dhoweeyay ee laga codsaday inuu kelmed ku soo gebogabeeyo qado sharaftan la
isku arkay. Dee wuxuu yidhaahdo garan maayo oo wuu ka dhacsan yahaye intuu
yara xabeebtirtay, oo uu indhaha ka wilic-wilic siiyay buu hadalkii oo
joogjoogisiga iyo haghagadu ku badan tahay ku bilaabay:
"Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Allahuma Salli Calaa Nebiyinaa Muxammad,
Asalaamu Calaykum. Een waad ku mahadsan tihiin casuumadan iyada ah iyo sida
fiican ee aad ii soo dhowayseen. Runtii aad baan ugu faraxsanahay. Anaguna
sidaa si leeg baanu idiin soo dhowayn doonaa markaad xagaa noogu timaadaan.
Wasalaamu Calaykum".
By: Rooble Mohamed
Rooble2009@yahoo.com
Hargeysa,Somaliland