HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo saaka isku fidiyay qeybo Degmada Dayniile ayaa halkaas ku dilay dad rayid ah, halka kuwo kalena ay soo qab qabteen

Sida ay sheegtay haween ka mid ah dadka degan xaafada Raadeerka ee degmada Dayniile Ciidamada ayaa ku dilay xaafada Macallin dugsi Qur'aan kaasoo si weyn loogaga yaqaanay degmada Dayniile.

Macallinkan oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Salaad ,kuna magac dheeraa Macallin Miskiin ayaa waxaa lagala soo baxay xarunta dugsiga sida ay xaqiijiyeen aradayda wax ka barato Malcaamadaasi kadibna la toogtay.

Macalinkan dugsi Qur'aan ayaa sidoo kale waxaa uu ahaa khadiibka mid ka mid ah masaajida xaafada Raadeerka isaga oo ahaa qofka kaliyah ee dushin jiray habeenadi lasoo dhaafay dadka salaada Taraawiixda ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale ciidamada Dowlada ayaa waxaa ay kala soo baxeen macalin bare ka ahaa Iskuul Private ahaa kaasoo lagu magacaabi jiray Macallin Maxamed.

Barahaan kale ee ay dileen ciidamada Dowlada ayaa waxaa ay kala soo baxeen gurigiisa xili uu isu diyaarinayey in uu aado goobtiisa waxbarasho.

Waxaa wali cakiran xaalada xaafada Raadeerka, waxaana ciidamada Dowlada ay halkaasi ka wadaan hawl galadi ay saakay ka bilaabeen.

Ma jirto wax war ah oo kasoo saareen saraakiisha ciidamada Dowlada hawlgalkani ay ka bilaabeen degmada daayniile iyo sidoo kale macallimiinta ay dileen ciidamada Dowlada.
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.