Boosaaso (Jam/W.Wararka)- Qaar ka mid ah golaha wasiirrada Maamul-gobaleedka Puntland, ayaa lagu eedeeyey in ay leeyihiin doonyaha lagu dhoofiya tahriibayaasha, kuwaas oo la xusay in dakhli iyo dhaqaale badan ka soo galo dhoofinta muhaajiriinta.
Waxa kale oo soo baxaya qayla-dhaan ku wajahan wax-ka-qabashada dhibaatada tahriibta oo ka soo yeedhaysa dadka ku dhaqan gobollada Puntland, gaar ahaan magaalada xeebta ah ee Boosaaso, ayaa xukuumadda Cadde Muuse horseedka u yahay ugu baaqay inay u feeyignaadaan boqolaalka ruux ee maalin kasta ka tallaabaya xeebaha Maamul-goboleedka Puntland.
Qaar ka mid ah ganacsatada waawayn ee magaalada Bosaaso, ayaa qayladhaantaasi soo gaadhsiiyay shabakadda wararka ee dayniile.com, kuwaas oo sheegay inay xukuumadda Cadde Muuse ka gaabisay wax-ka-qabashada tahriibta. Ganacsatada qaarkood ayaa sidoo kale tibaaxay in ay jiraan lacago dawladdu ku soo rogtay, kuwaas oo loogu sheegay in lagu xakamaynayo tahriibta, balse lacagtaasi ay ku dhacday jeebabka shakhsiyaad gaar ah.
Xukuumadda Cadde Muuse hogaamiyaha ka yahay ayaa u muuqata mid dhegaha ka furaysanaysa masiibada ka dhacaysa xeebaha Puntland. bishan gudaheeda, waxa ka dhoofay ilaa 800 ruux oo muhaajiriin ah, kuwaas oo ku safray doonyo yaryar oo la sheegay in xataa safarkoodu aanu fiicnayd.
Meesha laga dhoofiyo tahriibta oo lagu magacaabo Shimbiraale, isla markaana dhinaca bari ka xigta magaalada Bosaaso, ayaa ilaa haatan aanay jirin cid isu xilqaantay inay masiibadaas baajiso, isagoo maamulka Puntland had iyo goor sheega inuu tallaabo cad ka qaadayo kuwa dhoofiya tahriibayaasha, balse taas ayaan marnaba la arag.
Puntland: Budhcad-Badeed Dalbay Malaayiin Doollar oo Madax-furasho ah
Eyl (Jam/W.Wararka)- Budhcad-badeed Soomaali ah oo maraakiib ku heysta degaanka Eyl ee maamul-gobaleedka Puntlland, ayaa dalbaday in la siiyo madax-furasho lacgeed oo dhan 8.2 milyan dollar, si ay u sii daayaan saddex markab oo ay heystaan.
Madaxa Hay’adda Badmareennada Bariga Africa Mr. Andrew Mwangura, ayaa sheegay in kooxaha budhcad badeedkii ay dalbadeen in maraakiibta lagu magacaabo Bunga Melati 5 iyo Bunga Melati Dua oo laga leeyahay dalka malaysiya, laga siiyo lacag dhan 4.7 milyan dollar, sidoo kalena 3.5 milyan dollar laga siiyo markabka MV Stella Maris oo ay isna budhcad-badeedku qafaasheen 20-kii bishii July ee aynu ka soo gudubnay.
Andrew Mwangura waxa kale oo uu sheegay in ay rumeysan yihiin in maraakiibtaas lagu hayo degmada Eyl oo sida uu xusay kooxaha budhcad-badeedka ay ku leeyihiin taageero xooggan oo degaanka ah.
“Degaanka Eyl ayaa waxa sannadkii 1973-kii laga dhigay meel laga kalluumeysto, balse waqti kadib kalluumeysigii waa uu ka istaagay, waana laga guuray, wuxuuna degaankaasi noqday meel ay ku nabad-galaan kooxaha budhcadda ah oo ogsoon in aaney halkaas ugu iman karin dad aan iyaga ahayn iyo kuwa wax basaasa,” ayuu yidhi Andrew Mwangura.
Kooxaha budhcad-badeedka ah ee ka dillaacay xeebaha Soomaaliya ayaa waxay sannadkan oo keliya afduubeen 30 gaadiidka badda ah oo isugu jira maraakiib iyo doonyo, waxayna afduubyadaasi ka dhigeen xeebaha Soomaaliya kuwo safarkoodu khatar yahay.
Haddaba, iyadoo kooxahan budhcad-badeedka ah ay dalbanayaan lacagta madax-furashada ah, ayaa haddana wuxuu sheegay Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka Malaysia Mr. Najib Razak in ay xeebaha Soomaaliya u direen maraakiib dagaal, kuwaas oo la socon doona dhaqdhaqaaqa afar markab oo lagu heysto xeebaha dalkaas.
“Muhiimaddayadu waa badbaadada dadka saaran maraakiibta afduubka lagu heysto, waxaana sameyn doonnaa wax walba, annaga oo tixraaceyna shuruucda caalamiga ah,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka dalka Malaysia Mr. Najib Razak.