Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya ayaa sheegay inuu socdo dadaalo lagu dhameynayo khilaafka majaraha adag ee ka dhex taagan Madaxda Isbaheysiga Dib u Xoreynta sida Sheekh Shariif iyo Sheekh Xasan Dahir Aweys.
Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa sheegay inuu socdo qorshe lagu dhameynayo khilaafkaas, wuxuuna sheegay in Sheekh Shariif iyo Sheekh Xasan Dahir laga dalbaday in muddo saddex bilood gudahood ku yimaadaan Gudaha Soomaaliya, si khilaafkooda loogu xaliyo.
Waxaa uu sheegay in xalinta khilaafkaas ay markii hore u saareen Gudi Culumo, wuxuuna sheegay in khilaafka aanu aheyn mid shaqsi ah, balse ay la isku haayo Dhinaca Diinta ah sida uu hadalka u dhigay.
"Anaga Sheekh Shariif waa Amiirkeena, laakiin waxaan isku diidanahay Shirka Jabuuti, dhinaca Diinta ayaana isaga hornimaanay oo shirkaas ay ka qeyb galeen Rag ay ka mid yihiin Cabdi Qeybdiid, Darwiish iyo Moorgan"ayuu yiri Yuusuf Indha Cadde.
Generaal Indha Cadde ayaa sidoo kale sheegay in Maxkamadaha Islaamka mas'uuliyiintooda gudaha aysan is khilaafsaneyn, wuxuuna tibaaxay in Labada Hogaamiye ee Maxkamadaha ay ka sugayaan in Gudaha Soomaaliya yimaadeen si loo saxo qaladaadka jira.
Sheekh Shariif iyo Sheekh Xasan Dahir oo ahaa Labo Saaxib oo aad isugu weynaa ayaa kala furtay tan iyo markii Shirka Jabuuti uu Shariifka ka qeyb galay, kaasi oo keenay in Isbaheysiga ay labo dhinac u kala dhantaalmaan, kadib markii Sheekh Xasan Dahir uu ka soo horjeestay Heshiiskii Jabuuti ay soo qaateen Xubnaha Sheekh Shariif horkacayay