Khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay Maamulka Puntland iyo ganacsatada xoolaha ee Gobolkaasi.
Posted: 8/25/2008 3:17:00 PM
Khilaaf xoogan oo salka kuhaya dhoofka xoolaha ayaa markale soo kala dhaxgalay maamulka iyo ganacsatada Puntland.
Khilaafkani oo muddooyinkii ugu dambeeyay kadhex jiray Ganacsatada iyo Maamulka Puntland ayaa iminka soo ifbaxay kadib markii uu kordhay isku heysadkooda ku aadan arrimo fara badan.
Horey ayaa waxa ay isugu heysteen Maxjar ay Puntland dhiseysay oo ladoonayay in lagu xanaaneeyo xoolaha ladhoofinayo iyadoo Ganacsataduna ay ka dhinac dhisteen Maxjar kale taasi oo looga soo horjeeday heshiis ay lagaleen nin layiraahdo Aljaabiri oo u dhashay wadanka Sacuudiga.
Muranka ayaa sii xoogeystay kadib markii ay Maamulka Puntland xireen nin abuu Yaasir lagu magacaabo oo maalgelinayay maxjarka ay Ganacsatadu sameysanayeen taasi oo Ganacsatadu ay si aad ah uga soo horjeesteen inkastoo kulan dhacay kadib lagu amray in wadankiisa uu dib ugu laabto xuriyaddiisana loo celiyo.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland C/samad Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay garoonka Boosaaso ayaa sheegay in aysa u ogoleyn ninkaasi in mar kale uu kusoo laabto Puntland inta laga xalinayo arrimo taagan oo ku saabsan maxjarka sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wasiirka Ganacsiga ayaa waxa uu sheegay in ninkani uu kamid yahay dadkii ka dambeeyay xoolaha Soomaaliya inaan la dhoofin isla markaasina la xanibo isaga oo boorsooyin lacag ah kula wareegayay Dubai iyo wadamo kale sida uu hadalka u dhigay.
Lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafkani xoogan oo soo kala dhexgalay Ganacsatada iyo Maamulka Puntland inkastoo Ganacsatadu ay weli wataan hawlahoodii dhismaha Maxjarka.