Kuxigeenka madaxa ciidanka qalabka sida ee dalka Russia ninka lagu magacaabo General Anatoli Nugofistiin ayaa sheegay in ogolaanshaha dowladda Poland dhigitaanka gantaalada mareykanka dhulka Poland ay u soo jiidi doonto weerar kaga yimaada dhanka Moscow.Generalku waxa uu tilmaamay in xukuumadda Moscow ay adeegsan doonto hubka nuclearka hadii aydhacdo sida ay wado dowladda mareykanka.
Hadalada generalka ayaa jawaab u ah heshiis maalintii khamiista ay gaareen xukuumadaha Warsaw iyo Washington oo ku aadan in dowladda mareykanka ay dhigto gantaalo dalka Poland kuwaas oo ay dowladda mareykanka kusheegtay in looga difdaacayo dalalka Europe ta galbeed weerar uga yimaada dalalka Iran iyo woqooyiga Korea kuwaa oo uu mareykanku uyaqaan udub dhexaadka sharta.
Wakaaladda wararka ee Inter fax ayaa ka soo xigatay general Nogufiitsiin in xukuumada Moscow ay aaminsan tahay in 10 gantaal ee dowladda mareykanka kurakibayso saldhig kuyaal xeebta baddda Balkans ee woqooyiga Poland ay tahay mid lagu beegsanayo dowladda Russia , dowladda Polandna ay 100% ogtahay taas.
Dhanka kale safiirka Russia ee xarunta gaashaanbuurta NATO ninka lagu magacaabo Dimitri Rojoosiin ayaa sheegay in xilliga uu kusoo beegmay heshiiskan uu muujinayo in barnaamijkaan uu yahay mid aan loola jeedin dalalka Iran iyo woqooyiga Korea , balse uu yahay mid ladoonayo inlagu burburiyo awoodda istiraatiijiyadda quwadda Russia.
Ustaad: C/xakiim Maxamed Cumar