Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee G/Sh/Dhexe ayaa sheegaya in halkaas uu ka furmay kulan lagu dhameynayo khilaaf ka dhashay kala wareejinta Maamulka Maxkamadaha ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in Mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha oo halkaas ku qul qulaya ay isku dayayaan inay dhameeyaan Khilaafka ka dhashay gacan ka hadalka dhex maray Xoogaga Labo Sarkaal oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga.
Khilaafka ayaa ka dhashay markii la isku dayay in xilka laga qaado Sheekh Dahir Caddow Calasow oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ee Maxkamadaha, isla markaana lagu soo badalay C/llaahi Macalin Mukhtaar oo aad ugu dhow Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sheekh Dahir ayaa ku adkeysanaya Gudoomiyenimadiisa, isagoo maalin ka hor isaga baxay Gudaha Magaaladana hadana dib mar kale ugu soo laabtay.
Khilaafka oo mudo soo socday ayaa keenay in iska hor imaad uu dhex maro Xoogaga Maxkamadaha dhexdooda, taasi oo keentay in labo ruux oo maxaakiimta ka tirsan uu dhaawac soo gaaro.
Warar hore oo soo baxayay ayaa sheegaya in khilaafka uu ku aadanaa dhinaca kala aragti duwanaanshaha ku dhex jirta mMdaxda sare ee Golaha Maxaakiimta iyadoo halkaasi ay gaaren lana wareegeen Ciidamo hoos yimaada Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sida la sheegay lahaa amarka lagu badalay Sheekh Dahir