Dagaal culus oo ayaa lagu soo waramayaa in goor dhow uu ka qaraxay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaasoo uu xoogiisa ka socda Qabuuraha Barakaat ilaa Warshadii Baastada.
Dagaalkan ayaa ah mid ka duwan kuwii maalmahan ka dhacayay, waxaana daryankiisa uu yahay mid laga maqlayo Magaalada Muqdisho oo idil, iyadoona dagaalkan u muuqdo mid qorsheysan.
Ciidamada Ethiopia, kuwa Dowladda oo dhinac ah iyo Kooxaha Kacdoonka ayuu u dhaxeeya Dagaalkan waxaa uu yimid markii Ciidamadaas wada jirka ah isku ballaariyeen qeybo ka mid ah Xaafadaha ku teedsan wadada Warshadaha, taasoo keentay in Xoogaga Hubeysan ay dagaal kala horyimaadaan.
Inkastoo aan la ogaan karin qasaaraha uu geysanayo, hadana dagaalka ayaa ah mid si xawli ah uga socda aagaas, waxaana wararku sheegayaan in Madaafiic habow ah ay ku dhacaan Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, taasoo dhici karta in qasaare ay u geysato dadka rayidka ah.
Dagaalkan ayaa noqonaya kii labaad oo muddo 24-saac ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo markii Labo cisho ka hor Dalka Jabuuti heshiis ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib U Xoreynta.