HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Madaxweyne Rayaale oo Xilkii Ka Qaaday Wasiir ku xigeenkii Hawlaha Guud , Magacaabayna mid Cusub      
 

Hargeysa - Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maanta xilkii ka qaaday Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Hawlaha Guud , waxana uu magacaabay Wasiir ku xigeen cusub.

Sidaasna waxa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay  afhayeenka madaxtooyada kaasi oo loo qaybiyay saxaafada isla markaasina uu na soo gaadhay nuqul ka mid ah warsaxafdeedkaasi isaga oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu maanta soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud iyo Guryaynta , isla markaana uu xilka kaga qaaday Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Hawlaha Guud.

Madaxweynuhu, markuu arkay qodobka 90-aad , farqadiisa labaad ee dastuurka JSL , iyo ahmiyada weyn ee wasaarada Hawlaha guud iyo guryayntu ay u leedahay dalka iyo dhismihiisa , isla markaana isaga oo tix gelinaya kartida aqooneed iyo hufnaanta shaqo , waxa uu u magacaabay Mudane C/risaaq Cawil Bacaluul in uu noqdo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta, sida ugu dhakhsaha badan uu ula wareego xilkaa loo igmaday.

Sidoo kale , Madaxweynuhu waxa uu xilkii ka qaaday Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Hawlaha guud iyo Guryaynta C/rashiid Ducaale Qambi , isla markaana waxa uu faray sida ugu dhakhsaha badan uu xilka ugu wareejiyo Wasiir ku xigeenka Cusub , si niyad sami ah iyo kalsooni ah, sidii horeba isaga loogu wareejiyay xilka markii hore ee la magacaabay

 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.