HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Muqdisho: Wasiir ka tirsan dawladda Soomaaliya oo ku dhawaaqay in ay Kismaayo dawladdu uqalabqaadatey soo celinteeda.
2. september 2008 

 

 
 
Muqdisho Wasiirka Dibu heshiisiinta ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Cabdirisaaq Ashkir ayaa ku dhawaaqay in ay deg deg dawladda Soomaaliya wax uga qaban doonto xaalada Magaalada Kismaayo.

Wasiirkan oo ka hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dawladda Soomaaliya qaaday talaabooyin ay ku dooneyso in ay Magaalada Kismaayo ku tagto.

Wasiirku wuxuu sheegay in aysan marnaba aysan dawladda Soomaaliya wax lug ah ku laheyn qabashada Magaalada Kismaayo, wuxuuna qirey inaysan joogin halkaasi ciidamo ka amar qaata dawladda Soomaaliya.

“Dawladda FKMG ee Soomaaliya ma aysan heysan magaalada Kismaayo, mana aysan joogin ciidamo taabacsan lama garan karo cid qabsatey & sababaha loo qabsaday toona, waxa ayna dawladda Soomaaliya dooneysaah soo celinta dhamaanba deegaanada ka maqan” Ayuu yiri Wasiirkan.

Wasiirkan wuxuu baaq udiray Beesha Caalamka isagoo ugu baaqay in ay gurmad deg deg ah lasoo gaaraan Kumanaan dad ah oo ku dhaqan dalka Soomaaliya, kuwasoo ay xaalad culusi la soo daristey isagoo walaac ka muujiyey abaaraha & dagaalada wali sii socda oo xaalada uga sii daraya.

Hadalkan wasiirkan ayaa ku soo beegmaya xili ay dhawaan Sidoo kale Xildhibaanada ay isku heybta yihiin Barre Aaden Shire ay ku dhawaaqeen in qabsashada Kismaayo ay la mid tahay markii ay Jamhaduhu ka jireen oo ay ku dagaalamayeen, waxaan Jamhadihii Magaalada ku dagaalamay kala hogaaminayey Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) & Col. Barre Aaden Shire (Hiiraale).

F. C. Geylan
 
 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.