HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Guddiyo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay todobaadka soo socda ku kulmayaan Magaalada Jabuuti tan iyo markii uu dhamaaday wajigii hore ee kulankii dhex dhexaadinta ay garwadeenka ka aheyd Qaramada Midoobey.

Guddiyada labada dhinac oo ay dhex dhexaadineyso Qaramada Midoobay ayaa waxay ka hadlayaan arrimo ku saabsan Ammaanka, Siyaasadda, Cadaaladda iyo Dib u heshiisiinta, waxaana shirka ay isugu imaanayaan ka qeybgeli doona

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah, Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Mas'uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta ee kala ah Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan, iyadoo sidoo kalena ay goob-joog ka noqon doonaan wakiillo ka socday Beesha Caalamka.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ahmedou Ould-Abdallah oo ka hadlay arrimaha Shirka Guddiyadaas ayaa wuxuu baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka Dowladda Federaalka, kuwaasi oo uu ka codsaday in ay si buuxda u taageeraan dadaallada xalka loogu raadinayo mushkiladda ka taagan Soomaaliya.

Shirka ay isugu imaanayaan Guddiyada kala metelaya labada dhinac ayaa wuxuu shirkooda ku soo beegmayaa labo bilood kadib heshiis ay Magaalada Jabuuti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kaasi oo ay qodobadiisa ugu muhiimsanaayeen in xabadda la joojiyo iyo in Ciidamada Ethiopia ay Soomaaliya uga baxaan muddo 120 maalmood gudahood ah kadib marka la helo Ciidamo ka socda UN-ka oo ku filan nabad-ilaalinta Soomaaliya, inkastoo ilaa iyo hada aanu dhaqan gelin qodobka xabad joojinta ah.

Marka ay soo dhamaadaan Shirarka Guddiyada ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta waxaa la filayaa in mar kale ay labada dhinac si rasmi ah Dalka Sacuudiga ugu saxiixaan Heshiiskii ay Jabuuti ku wada gaareen 9-kii June 2008
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.