HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Khilaafka kala dhaxeeya isaga iyo Ra'iisul Wasaaraha iyo arrimaha Dib u Heshiisiinta, waxaana Madaxweynaha uu iska fogeeyay inuu carqalad ku yahay arrimaha dib u heshiisiinta ee la wado.

Madaxweynaha wuxuu si dadban uga hadlay khilaafka isaga iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, wuxuuna cadeeeyay in uusan ogolaan doonin in Mas'uuliyiin la magacaabo, isaga oo aan lala socodsiin ama la soo marsiin.

Waxaa uu sheegay in xil ka qaadistii lagu sameeyay Maxamed Dheere ay tahay mid aan sharciga waafaqsaneyn, isla markaana ah mid lagu deg degay, isagoo intaa ku daray in ka madaxweyne ahaan aan lala soo marin.

"Aniga Ujeedo gaar ah ma lihi, mana diidani xil ka qaadista Maxamed Dheere, laakiin waa inay sharciga waafaqsanataa"ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf.

Madaxweynaha ma uusan uga hadlin khilaafka majaraha adag si faahfaahsan, waxuuse ku dheeraaday sharciga isaga u siineyso inuu wax magacaabi karo ama diidi karo, wuxuuna cadeeyay in arrimaha hada taagan aanay aheydn kuwo siyaasadeed balse ay yihiin kuwo ku saleysan sharciga

Dhanka kale Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu ka hadlay qaraxii lagu laayay Haweenkii Nadaafada ka shaqeynayay 3-dii Bishan, waxaana uu ku eedeeyay in qaraxaas ay ka dambeeyaan Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda.

"Waa nasiib daro in kuwo sheegana Diin ay dadka laayaan, waana dad soomaali ah, anigu ma aqaan waxa ay galabsadeen dadkaas maatida ah"ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo warbaahinta ugu waramay maanta aqalkiisa Madaxtooyada.

Col. Yusuf ayaa ku eedeeyey warbaahinta Magaalada Muqdisho qaybaheeda kala gedisan in ay buun buuniyeen khilaafka isaga iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde u dhaxeeya wuxuuna Madaxweynuhu tilmaaamay in ay qaab qabyaaladeed oo dhex dhexaadnimada ka baxsan uga warameen arintaas.

Hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqda inuu weli ku dhegan yahay mowqifkiisa ku aadana khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, kaasi oo soo banbaxay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo jago u sharciyeyntii uu Madaxweynaha u sameeyay Maxamed Dheere, taasoo mar kale uu dib ugu soo celiyay Xafiiskiisa, waxaana arrinta khilaafka u muuqataa mid meesheyda taagan walina sii jiitameysa
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.