HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Maamulka Puntland oo Mareykanka ku eedeeyay in ay taageeran kooxaha burcad Badeeda Soomaalida ah iyo kooxo Burcad Badeed ah oo shalay la qabtay oo la sii daayay.

Posted: 9/8/2008 2:44:00 PM

Waxaa la sii daayay 14 nin oo burcad Badeed ah oo uu shalay qabtay markab aan la qoon iyadoo maamulka Puntland ay mareykanka ku eedeeyeen in uu la shaqeeyo Kooxaha Burcada Badeeda Soomaalida ah.

 

Dadkani oo shalay laga qabtay xeebaha Soomaaliya kadib iyagoo eryanaya Markab laga leeyahay wadanka Singapore uu weerar ku soo qaaday markab ka mid ah kuwa dagaalka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya kadibna ay 14 ka mid ah kooxahaasi ay bada ku dheceen kadibna la qabtay kuwaasi oo maanta la soo daayay.

 

Maamul Goboleedka Puntland ayaa dowlada mareykanka ku eedeeyay in ay dhiiragalinasyaan kooxaha burcad Badeeda Soomaalida ah kadib markii ay soo daayeen maanta kooxihii burcad Badeeda Soomaalida ah ee ay shalay qabteen isla markaana ay yimaadeen degmada Caluula halkaasi oo ah meesha ay yimaadaan marka ay badda wax ka soo afduubanayaan.

 

Wasiir ku xigeenka kaluumeeysiga iyo  Qeyraadka Badda Maamulka Puntlanad C/qaadi Muuse Yuusuf oo u waramayay idaacada Shabelle ayaa sheegay in arintani ay tahay markii labaad oo maraakiibta Mareykanka ay kooxo Burcad badeed Soomaali ah ay qabtaan isla markaana ay sii daayaan.

 

Waxaa uu sidoo kale sheegay wasiirka in kooxo burcad Badeed Soomaali ah oo heysatay markabka laga leeyahay wadanka Iran ay qabteen isla markaana ay sii daayeen iyagoo weliba Cunto siyay.

 
“Puntland wax awood ah uma laha in ay la dagaalamaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ee ku sii xoogeeysanaya xeebaha Soomaaliya” ayuu yiri C/qaadi Muuse.
 
Shalay ayeey aheeyd markii kooxaha burcad Badeeda Soomaalida ah laga qabtay xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo la sheegay in ay geeriyoodeen balse maanta laga war helay in ay badqabaan
 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.