Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Addis Ababa, Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa maanta ku kulmaya Caasimada Ethiopia, kadib markii Madaxda Soomaalida maalin ka hor si wada jir u tageen Caasimada Ethiopia.
Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Atto Meles Zenawi ayaa isku dayaya inuu is faham dhex dhigo Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha oo khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya.
Dowladda Ethiopia oo u ah Dowladda Federaalka Garab Milateri ayaa awood u leh inay heshiis dhex dhigto Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo jimcihii Hal diyaarad oo Ethiopia usoo dirtay kaga dhoofay Magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta lagu balansan yahay Madaxtooyada Ethiopia, halkaasi oo ka bilaaban doona wada hadalo la dhex dhigayo Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, iyadoona maalinimadii shalay uu si kala gooni gooni ah ula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibeda Seyoum Mesfin Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde.
Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa soo jiitamayay tan iyo wixii ka dambeeyay xil ka qaadistii uu Ra'iisul Wasaaraha ku sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana la ogeyn halka uu ku dambeyn doono Khilaafka.
Lama oga sida ay ku qancin doonto Xukuumada Addis Ababa Labada Mas'uul midkood oo wali ku dhegan mowqifka, waxaase suura gal ah in cadaadis ay ku saarto in midkood uu tanaasul sameeyo, sida horay ay u dhacday, markii ay is qabteen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaarihii hore Cali Geeddi, xilligaasoo Mr Geeddi uu tanaasulay, isla markaana iska casilay xilkiisa.