Afhayeenka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Captain Brigye Bahoku ayaa ka hadlay Dagaalo xoogan oo xalay gelinkii dambe Xoogaga Alshabaab ku qaadeen Fariisinka Ciidamada AMISOM ee Isgoyska KM4.
Barigye Bahoku ayaa sheegay in weeraradaas xilli dambe lagu soo qaaday, hase ahaatee ay dhinacooda iska daafaceen, wuxuuna sheegay in aanay jirin wax qasaare ah oo soo gaaray Ciidamadooda.
"Ciidamadeena waxay iska caabiyeen kuwii weerarka soo qaaday, anaguna wax qasaare ah nama soo gaarin"ayuu yiri Brigye Bahoku oo Saxaafada la hadlay maanta.
Mar wax laga weydiiyay hadii qasaare ay u geysteen Kooxihii weerarka ku soo qaaday ayaa wuxuu sheegay inuusan ogeyn qasaare gaaray kooxihii weerarka ku soo qaaday, waxaase uu tilmaamay in ay iyagu ahaayeen kuwo difaac ku jiray oo aanu dhaafin bartooda ciidan.
"Ma garanayo waxa ay u dagaalamayaan, iyadoo lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo ah Bil Xurmo weyn ku leh Islaamka, waana inay joojiyaan Dagaalada"ayuu mar kale ku celiyay Afhayeenka Ciidamada AMISOM
Ciidamada AMISOM ayaa ah kuwo had iyo jeer ka hadla dagaalada iyo weerarada lala eegto, waxaana ay kaga duwan yihiin Ciidamada Ethiopianka ee taageerada siinaya kuwa Dowladda dhinaca ka hadalka howl galada iyo hadii la weeraro