HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Wufuud Culus oo Dalka u Yimid Qiimaynta Dhoofka Xoolaha

 

 

Hargaysa: Wufuud culus oo isugu jira Dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha oo ka kala  socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka (OIE) iyo dalalka Cumaan iyo Imaaraadka, ayaa shalay Somaliland booqasho ku yimid.

Sida uu noo xaqiijiyey Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi wufuudaasi oo ka kooban 3 dhakhtar oo ka socda hay’ada OIE waxa hor kacaya madaxa Geeska Afrika iyo Bariga dhexe u qaabilsan Ha’adda Caafimaadka Xoolaha Adduunka, kuwaas oo Somaliland ka hirgaliyay Maxjarka Berbera ee lagu eegi doono caafimaadka xoolaha Somaliland, halka waftiga ka socda Cumaan iyo Imaaraadku ay ka koobanyihiin 8 xubnood oo 4 –ba ay dal ka socdaan Wasaaradaha Beeraha ee dalalkooda.

Waxaanay waftiga hore ee hay’adda Caafimaadka Xoolaha Adduunku u ambabaxeen Berbera, iyagoo kuwa kalena islamaanta  ay Berbera gaadhi doonaan, iyaga oo eegaya hawlaha maxjarka ka socda.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi waxa kale oo uu shaaca ka qaaday 20-ka Bishan inay dalka iman doonaan wufuud kale oo culus oo ka kala socda Wadamada Sucuudiga, Kuwait iyo Qatar, kuwasi oo dhammaantoodba la filayo inay ooda ka qaadaan xoolaha Somaliland

 

“Heshiisku Rugta Ganacsiga ma Khuseeyo,

Balse Golayaasha Qaranka ayuu khuseeyaa, Arrimahaasna idinku ka wada hadla…..”

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga - C/raxmaan Faaraxa Sugaal

Hargaysa (Waaheen) Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Fadhigoodii shalay Xog waraysi ku saabsan muranka Dhoofka Xoolaha kala yeeshay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga C/raxmaan Faaraxa Sugaal iyo Xoghayaha Rugtaasi C/laahi Diiriye Jaamac

C/raxmaan Faaraxa Sugaal ayaa hadal kooban ka jeediyay Fadhiga intii aan Mudanayaashu Su,aalaha waydiin ka hor “ Rugtu waa Hayad Madaxbanaan oo ay leeyahiin Ganacsatadu waxaana hoos yimaada Ururka Ganacsiga Guud , Ururka Ganacsiga Xoolaha , Ururka Warshadlayda iyo Ururka Beeraha ayay ka koobantahay Rugta Ganacsigu” 

C/raxmaan Faaraxa Sugaal isaga oo ka hadlaya yeedhistii hore ee lagaga dalbaday in ay Golaha hor yimaadaan balse ay ka baaqsadeen waxa uu yidhi “ mar dhexdii ah ayaa Shir Gudoonka Golahu noo yeedhay oo ay nagaga Codsanayaan in aanu hor nimaadno Barlamanka anaguna waxa aanu leenahay Gudi Fulineed oo cod saday in marka hore Shir Gudoonka aynu warbxinta siino, tiina markii la soo gaadhsiiyay waxa loo qatay in aanu baqanayno markaa waxa cabsi ah oo na hayay ma jirin wanan ku faraxsanahay in aanu waxii warbixin iyo Xogogaala aanu idiin soo jeedino”

Xoghayaha Rugta Ganacsiga C\laahi Diiriye Jaamac ayaa isaguna ka waramay Qaab dhismeedka Rugta wakhtigii la asaasay iyo wax qabadka Rugta Ganacsiga waxana uu ku bilaabay “ Rugtu Ganacsigu waa Hay’ad adeeg oo kabta Ganacstada iyo Dhaqaalaha Dalka waxa aanay ku dhisantahay Sharci guud oo ka mid ah Shuruucda Somaliland Xeer No:35 soona baxay 1993 kii waxa aanu ka mid yahay Xeerarka ugu qadiimisan ee uu Dalku leeyahay , Sharcigaasi waxa uu tilamaamayaa in Rugtu ka qayb gasho wixii dano ah ee Hore loogu marinayo Dhaqaalaha iyo dib u dhiska Dhaqaalaha Burburay ee Somaliland.

Rugtu waxay ka koobantahay Gole Guud oo ah Xubnaha Rugta oo dhan, Golaha Guud waxay doortaan Gudi Maamul oo 25 Xubnood ka kooban, 25 ka Xubnood waxay iska dhexdoortaan 7 Xubnood oo Gudi Fulineed ah Gudida Fulinta ayaana u Xilsaaran Hawlaha Rugta ee la qabanayo”

Intaa kadib waxa ay Mudanayaashu gudo galeen Su’aalahii waxanay u dheceen sida tan . Xildhibaan.Maxamed Faarax Qabiille

Heshiiska Xukuummadu la gashay Saleebaan Siciid Aljaabiri, wuxuu lidi ku yahay      Dastuurka, maadaama uu heshiisku ka horyimi dastuurka Qaranka oo uu keeni karo      Khatar Nabadgelyo darro.Miyaad u badheedheen sharciga inaad la jebisaan      Xukuummadda?

J.  Arrinta Heshiiska ku saabsan, March. 2007kii ayaanu maqalnay in nin   Carbeed yimi,     oo uu doonayo inuu heshiis Xukuummada la galo.Rugta ganacsigu waa Hay’ad gaar      oo private ah, markaa haddii wax nala weydiiyo, waanu ka jawaabnaa iskumana      dirqino.Heshiiskaas markii la galayey waxaa loo baahday sixir Xoolaha lagu qaato,     kadibna, waxaan shirinay ganacsatada Xoolaha Dhoofisa, Sixir $38 doolar ah ayey       noo dhiibeen, natiijadii ka soo baxdayna wax kale ayaabay noqotay.Heshiisku inuu       halkan yimaado Rugta Ganacsiga ma khusayso, balse Goleyaasha Qaranka ayey       khusaysaa, arrimahaasna idinku ka wada hadla, oo annaga hana weydiinana.      Ganacsatada dacwoonaysa iyo kuwa kaleba labaduba waa ganacsato, Rugta ka       Tirsan, dawladda iyo ganacstadaba waanu la kulanay, cabashadda ganacsatada waan waan       Ayaanu ka galnay, oo cabshadooda Xukuummadda ayaanu u gudbinay.

S. Xildhibaan. Xaashi Xuseen Caabi

Raggii lagu abuuray Rugta ganacsiga C/raxmaan ayaa ka guddoomiye ahaa, haddii ay     Dumuqraadi tahay, maxaa guddi cusub ilaa muddadaas aad u samayn waydeen?

J. Guddoomiyaha sharciga Rugta ganacsiga ayaa lagu doortaa, tallooyin ayaana laga yeeshaa     Marka shirweyne la qabanayo. 22 April.2007kii ayaa shirweyne rugtu Hudheelka Maansoor ku     Qabsatay, Golihii Guud ayaa Guddi Maamul Lagu sameeyay, taas oo lagu doortay laba     Guddoomiye-Xigeen oo Cusub iyo Guddoomiyihii oo dib loo doortay.

 

S.Cabdiraxmaan Cismaan Caalin,Heshiiskan dhoofka xoolaha ee lala galay Al-jabiri, waxaad tidhaahdeen annagu maanu galin, wasiirrada ganacsiga iyo xannaanada xooluhu iyaguna waxay yidhaahdeen annagu maanu gelin, yaa haddaa galay heshiiska?

Jawaab: Heshiiska horta sidaad muqashay ayaanu u maqalnay, adaa sheegayee yaa galay? Heshiis rugta ganacsigu gashay oo ay saxeexday ma jiro, malaha dee wax kale ku qanci maysaane na dhaariya sidii maxkamadda oo kale, iminka ma ku dhaartaa.

S.Cabdiraxmaan Cismaan Caalin; su’aal: Waxa muran dhex yimi ganacsato iyo xukuumadda, Dekedda Berbera waxa la geeyey laba xoolood oo qaarna maraakiib la saaray qaarna loo diiday, idinkana aqbalimayno inaad tidhaahdaan warqadahayaga hoos baanu u gudbinaa, maxaa u mataliweydeen danaha dadkii aad matalaysteen, taa miyeyna macnaheedu ahaydeen inaad dhinac ahaydeen?

Jawaab: Xubnaha rugtu xaq buuxa oo sharcigu tilmaamayo ayey leeyihiin, in marka ay dhibaato ku timaado noo yimaaddaan ayey leeyihiin oo wixii suurtogal ah wax laga qabto, arrintuna maaha mid aannu dibedda ka taagnayn ee waannu ku dhexjirnay. Mashaakil dhowr ah oo aannu hore dawladda ula xalinayna way jireen, iminkana waannu sii wadaynaa dadaalka, waxaan suurtogal ahayna annagu isku qaadi mayno

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.