Gaalkacyo- Wasiiradii haweenka & arimaha Qoyska ,isla markaana Madaxweyne Cadde Muuse wakiil uga ahayd gobalkaasi Mudug ayaa shaaca ka qaaday in ay ka tagtay shaqadii ay uheysay dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Wasiirada ayaa ku sababaysay is casilaadeeda iyadoo go'aansatay inay isaga harto siyaasada oo dhan.
Wasiiradan xilka iska casishey ayaa ayaa mudo badan ka shaqeyneysay Wasaarada Arimaha Qoyska & Horumarinta Haweenka , waxa ayna noqotey Wasiiradii ugu horeysay oo si rasmi ah u furata Xarun Wasaaradeed ku hawl gasho oo ayan wasaarad ama hay'ad kale la wadaagin.
Magaalooyinka Puntland oo dhan waxaa ka furan Xarumo waa weyn oo ay leedahay Wasaarada Arimaha Qoyska & Horumarinta Haweenka Puntland , waxaana dhistey Wasiirada maanta shaqada ka tagtay Caasho Geelle Diiriye.
Magaalada Garowe waxaa ka furan xarun weyn oo ka weyn xarumaha kale ee Wasaaradaha Puntland oo iyagu soo jirey mudo gaaraysa 10 sannadooda, dadaalka Caasho mudadii ay xilka haysay wuxuu ahaa mid badan oo aynu ku lafa guri doono barnaamijyada kale ee APL, haddii ALLE idmo.
Wasiirada xilka maanta ka tagtay kuma farxayaan shaqo ka tagideeda dad badan oo jeclaa horumarka, nabada iyo maamul wanaaga