HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 Wararka laga helayo Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegaya inuu soo ifbaxayo mad madow baahsan oo u dhaxeeya Dowladda Ethiopia iyo Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu Madaxweynaha diiday inuu tago Addis Ababa.

Sida ay xaqiijinayaan Saraakiisha Madaxtooyada ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa sheegaya in khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo Ra'iisul Wasaaraha ay isku dayeysay Ethiopia in ay wax ka saxdo, hase ahaatee Madaxweynaha uu ka diiday amar loo soo jeediyay oo aheyd inuu taageero xil ka qaadista Maxamed Dheere.

Maamulka Addis Ababa ayaa u yeertay Taliyeyaasheeda ku sugan Soomaaliya sida Taliyaha Guud ee Ciidamada Ethiopia Gen. Gabre ahna Sirdoonka Ethiopia u qaabilsan Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Lugta ee jooga Soomaaliya Gen. Yohanes.

Wararka oo ah kuwa isa soo taraya ayaa sheegaya in Xukuumada Addis Ababa ay aad uga carootay amar diidada Madaxweyne Yuusuf iyo qalalaasaha ay wadaan xubnaha la safan Madaxweynaha ee shalay is casilay.

Dowladda Ethiopia ayaa sida muuqata taageersan go'aanka Nuur Cadde ee uu xilka uga qaaday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, hase ahaatee uu ka soo horjeestay Madaxweynaha.

Lama oga waxyaabaha ay soo kordhineyso u yeeritaanka Dowladda Ethiopia ee saraakiisheeda ku sugan Gudaha Soomaaliya, xilli khilaafka Madaxda Dowladda uu faraha ka sii baxayo
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.