HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Dagaal xoogan ayaa waabarigii saaka ka qarxay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeya Ciidamada Ethiopia kuwa Dowladda oo dhinac ah iyo Xoogaga ku kacsan.

Dagaalkan ayaa ahaa kii ugu xooganaa ee abid ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxaana saaka uu ahaa dagaalka mid si saf ballaaran uga socday inta badan Xaafadaha Hodan, Yaaqshiid iyo Huriwaa.

Xoogaga dhalinyar diimeedka Alshabaab ayaa waxay sheegteen in weeraro culus waabarigii saaka ku qaadeen Fariisimo ay Deegaanada Warshadaha ku leeyihiin Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda Federaalka ee dhowaan lagu soo tababaray Dalka Ethiopia.

Dhawaqa Madaafiicda culus iyo rasaasta labada dhinac ay is weydaarsanayeen ayaa ahaa kuwo saaka dadka Muqdisho hurdada ka toosiyay, waxaana uu dagaalku ahaa mid si xoogan uga socday Wasaaradii hore ee Gaashaandhiga iyo Kulyadii Jaalle Siyaad.

Mas'uuliyiin u hadashay Xarakada Alshabaab ayaa sheegay in qasaare culus ay gaarsiiyeen Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda, waxaana ay intaa ku dareen in Gaari kuwa Uuraalka ay dagaalka kaga gubeen sida ay hadalka u dhigeen.

Ka sokow dagaalka waxaa bar bar socday madaafiic Xoogan oo ay Alshabaab ku qaadeen Xaruntii Hore ee Saraakiisha Shiirkole oo ay degan yihiin Ciidamada Ethiopia ee dhowaan lagu soo tababaray Dalka Ethiopia.

Dagaalkan ayaa noqonaya kii labaad oo dadka Muqdisho hurdada ka toosiyay, waxaana uu dhacay xilli laga soo baxay salaadii Subax, iyadoona maalintii shalay ay aheyd markii dagaalo waabarigii saaka ka dhaceen agagaarahaas.
 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.