HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Dr. Muuse Nuur Amiin ayaa sheegay inuu taageersan yahay xil ka qaadistii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in ay tahay wax lala yaabo is casilaada Xubnaha Wasiirada ah ee shalay ku dhawaaqay in ay iska casileen Golaha wasiirada Soomaaliya, wuxuuna xusay in kuwa is casilay ay ka mid ahaayeen kuwo u codeeyay xil ka qaadistii Maxamed Dheere, markii Ra'iisul wasaaraha uu soo hordhigay.

Muuse Nuur Amiin oo ka mid ah tirada yar ee Wasiirada ah lana safan Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in hadii Madaxweynaha uu diiday ay isaga u gaar tahay, isagoo intaa ku daray xilligan adag ay lagama maarmaan tahay in Gobolka Banaadir wax laga badalo sida uu hadalka u dhigay.

"Wasiirada is casilay waxaa ku jiray kuwo markii hore u codeeyay xil ka qaadistii Maxamed Dheere, waana wax lala yaabo in ay kuwaas hada is casilaan oo markii hore ku raacay Ra'iisul Wasaaraha in xilka laga qaado Gudoomiyaha Gobolka Banaadir"ayuu yiri Muuse Nuur Amiin

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya, xilli Xubnaha Golaha Wasiirada ay ku kala aragti duwan yihiin xil ka qaadistii Maxamed Dheere, isla markaana kuwooda badan la saftay dhinaca Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo dhaqankiisa noqday inuu la dagaalamo Ra'iisul Wasaarayaasha Soomaaliya
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.