HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Waaberigii Saaka ayaa Kooxaha Islaamiyiinta ee heysta Magaalada Kismaayo ee dhawaan kala wareegay Maleeshiyaadkii Barre Hiraale ee Beesha Sade waxay rasaas ku fureen Diyaarad doonaysay inay ka degto Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo, iyadoo Diyaaradaas-na siday qaad ay ka keentay dalka Kenya kaas oo loogu tala galay Magaalada Kismaayo.

Sida ay sheegayan warar laga helay Duuliyaha Diyaaradaas oo ka soo degtay iyadoo dhaawacyo ka soo gaareen rasaastii lagu furay oo xitaa Shidaalkeedi daadanayo Garoonka Diyaaradaha ee NO-50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sida uu sheegay wadaha Diyaaradaha waxaa uu ka war helay markii uu Garoonka ka degay rasaas ay soo furayaan labo nin oo ka tirsan sida uu sheegay Ciidamada haysta Magalaada Kismaayo, waxaan ku sigtay buu yiri in Diyaaradda gubato.

“Meelaha rasaasta ku dhacday waxaa ka mid ah Baalaha Diyaaradaha, qeybta Shidaalka, anigoo halis ku socda ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee N0-50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose”ayuu yiri duuliyihii Diyaaradda.

Qaadkii loo waday Magaalada Kismaayo ayaa hadda waxaa uu yaala Garoonka N0-50 Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana la sheegaya in loo soo qaadi doona qaadkaas Magaalada Muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ganacsatadii qaadka loo waday iyo horjoogayaasha Maleeshiyaadka haysta Magaalada Kismaayo.

Dhowaan ayay aheyd markii Diyaarad kuwa qaadka ah ay ku bur burta agagaarka Garoonka Diyaaradaha NO-50, waxaana la sheegay in Diyaaradaas ay ku dhacday Taalo ay laheyd Shirkad isgaarsiin, kadib markii ay ka jahwareertay Ran weygii Diyaarada soo caga dhigan laheyd, waxaana halkaas ku geeriyooday Duuliyihii Diyaarada iyo Labo caawineysay oo u kala dhashay Kenyan iyo Yemen.
 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.