HOME
QURAN
CONTACT US
HEESO
ARCHIVES
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
Qaramada Midoobay Oo Ugu Baaqday Dunida Muslimka In Ramadanta La Caawiyo Somalia
"sida lagu faafiyay wakaalada wararka ee AFP, Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dalalka Muslimku inay bisha Ramadan caawiyaan dadka ku tabaalaysan Soomaaliya oo la sheegay in dad ka badan 3 Milyan iyo 200-Kun ay la il-daran yihiin macaluul iyo maciishad-xumo.
Ergayga arrimaha Gargaarka ee Somalia u qaabilsan Qaramada Midoobay Mr. Abdul Aziz Arrubkan ayaa ugu baaqay Dunida Muslimka ah inay Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha gargaarka ka taageeraan sidii Somalia loo caawin lahaa oo uu sheegay inay baahi iyo cunto-la’aan la liitaan dad tiradoodu badan tahay. .
“Ramadanta, waxaanu jecelnahay inaanu aragno dalalka Muslimka oo Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha gargaarka ay ka taageeraan in la caawiyo Somalia.” Ayuu yidhi Mr. Abdul Aziz oo Saxaafadda ugu waramayay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. .
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Gargaarka ee Somalia waxa kale oo uu u jeediyay Bulshada iyo Caalamka Islaamkaba inaanay hilmaamin oo aanay iloowin Malaayiiin qof oo ku nool Somalia, kuwaas oo baahidoodu taagan tahay adeegyadii aas-aasiga u ahaa nolosha dadka. .
“Waxaan ka codsanaynaa Beesha Caalamka iyo dalalka Muslim-kaba inaanay iloobin baahiyaha muhiimka u ah nolosha Malaayiin qof oo Somalia ku nool oo ay Cuntadu ka mid tahay.” Ayuu yidhi Mr. Abdul Aziz. .
Sida lagu sheegay Warbixinno ka soo baxay Qaramada Midoobay baahiyaha Cuntada ee dadka ku tabaalaysan Somalia ayaa 77% kor u kacay ilaa bishii January ee sanadkan. .
Kuwaas oo dadka ugu badan ee ay saameeyeen cunto-yaraantani, isla markaana soo waajaheen nolosha adage e ay keentay cunto-yaridda iyo Sicir-bararku ayaa ah dadka baro-kacay ee daadkan Xeryaha Qaxootiga ee Somalia gudaheeda. .
©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.