HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Gudoominaya Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa si kulul u weeraray Taliyaha Ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya ku sugan, wuxuuna cambaareeyay falkii shalay ay Ciidamada Ethiopia ay ku hor istaageen howlihii canshuur uruurinta Maamulka Gobolka Banaadir.

Isagoo wareysi siinayay Idaacada BBC-da ayuu Mr Maxamed Dheere sheegay in ay Ciidamo Ethiopian oo labo gaari wata ay xoog ku galeen xarun Dowladda Hoose ku laheyd Dekeda Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu sheegay inay kaga soo kaxeysteen Agaasimihii waaxda Dowladda Hoose iyo Dukumintiyo.

Maxamed Dheere wuxuu ku tilmaamay falka Ciidamada Ethiopia ku kaxeysteen Haweeney Agaasime ka aheyd Waaxda Dowladda Hoose xad gudub ka baxsan dhaqanka Soomaaliyeed iyo xeerarka soo jireenka ah.

“Ciidamada Ethiopia waxay kasoo qabteen shalay Agaasimihii guud ee waaxda lacag qabashada gobolka Banaadir xafiiskeeda ku yaalo dekeda,taasoo runtii ah mid gaf iyo qalad ah,waxey soo qaateen wixii dukumiinti ahaa ee ay ku shaqeyneeysay,waxaana loo kaxeystay guri uu ku leeyahay muqdisho taliyaha ciidamada Ethiopia, waa arin kasoo horjeedo xeerka Soomaaliyeed waayo ma ahan wax ay caado u leedahay Somaalida, markow Gurigiisa u kaxeysanayo, ma asigaa qaba"ayuu yiri Maxamed Dheere oo intaa ku daray in Dowladda Ethiopia uu u gudbin doono dacwad ka dhan ah Taliyaha Ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya.

Sidoo kale gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa mar la weeydiiyey bal in uu xiriir la sameeyey sarkaalkaasi Ethiopian-ka ah iyo in kale ayaa ku jawaabay“ Sideen ula xiriirayaa, la xiriiri mayo waayo waa nin aan sharaf laheyn, waa nin jaahil ah oo la eg qoriga oo sito”.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay warqad u qoreen safaarada Ethiopia ay ku leedahay magaalada Muqdisho, taasoo ay ashtako kaga ahaayeen taliyaha ciidamada Ethiopia, waxaana uu tilmaamay Maxamed Dheere in ay ka sugayaan jawaab safaarada Ethiopia.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu soo dhaweeyey heshiiskii ay shalay ku saxiixdeen dalka Ethiopia Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha,waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay go'aanka ah in doorashooyin la gelin doono arinta maamullada Gobollada dalka Soomaalia,gaar ahaan maamulka Gobolka Banaadir.

‘Aniga waxaan ahay wali gudoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho,doorashooyinka la doonayo in laga sameeyo gobolka Banaadir waan ka qeyb gali doonaa hadii la iga badiyo xilka waan wareejin doonaa hadii aan guuleeystana waa sidaan rabay” ayuu yiri Maxamed dheere.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa dhawaan waxaa xil ka qaadis ku sameeyey Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde,haase ahaatee waaa xilkiisa ku hagoogtay Madaxweeyne C/llaahi Yusuf oo kasoo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyey
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.