HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ee dagaalka kula jiro joogitaanka Ciidamada Ethiopia iyo siyaasada Dowladda Federaalka ayaa sheegay inay kordhin doonaan weerarada ka dhanka ah Ciidamada Ethiopia inta lagu guda jiro Bisha Barkeysan ee Ramadaan ee fooda nagu soo heyso.

Afhayeen u hadlay Xoogaga Islaamiyiinta ayaa sheegay in hadafkooda uu yahay in Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay sii laba jibaaraan weerarada xaq u dirirka ah ee ay uga soo horjeedaan waxa uu ugu yeeray Cadawga Ilaahey.

"Waxaan bilaabi doonaan weeraro xoogan oo ay ku xoojin doono halgankeena, inta lagu guda jiro curashada bisha barakeysan ee Ramadaan"ayuu yiri Afhayeen u hadlay dhaq dhaqaaqyada Hubeysan ee ka dagalaama Soomaaliya.

Inkastoo haatan ay dagaaladu yihiin kuwo aan joogsi laheyn, hadana dadka soomaaliyed ee la daala dhacaya dagaalada ayaa aaminsanaa in hadii ay curato Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay yaraan karto weerarada iyo dagaalada ka dhaca Caasimada Soomaaliya.

Hadalka ka soo yeeray Xoogaga islaamiyiinta ayaa ah mid meesha ka saaraya in uu yaraado weerarada iyo kacdoonada ballaran ee ay ugu soo horjeedaan Ethiopianka, waxaana ay wacad ku mareen in ay sii wadi doonaan dagaalka oo ay ku sheegeen inay bisha barakeysan Ramadaan ay uga faa'ideysanayaan fadliga iyo qeyrka ay leedahay
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.