HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Dagaal Ooge Mohamed Dheere oo Cir iyo Dhul midna Qarin-waayey Cabsi Awgeed.

Mohamed dheere oo ah ninka xudunta u ah Khilaafka ka dhex-oogan Oday Abdillahi Yussuf iyo Nuur-Cadde

Dagaal Ooge Mohamed Dheere oo Cir iyo Dhul midna Qarin-waayey Cabsi Awgeed.

Dagaal Ooge Maxamad Cumar Xabeeb oo ah nin uu Abdillahi Yussuf u adeegsado Xasuuqa Beesha Hawiye ee uu ka soo jeedo ayaa la sheegay in ay ku habsatay Cabsi-xoogan oo ku jahaysan Amiinkiisa, isaga oo iminka yeeshay cadow tira badan. Mohamed dheere oo ah ninka xudunta u ah Khilaafka ka dhex-oogan Oday Abdillahi Yussuf iyo Nuur-Cadde ayaa weli degen Xurunta Gobolka Banaadir, isaga oo yareeyey dhaq-dhaqaaqiisii kadib markii ey is khilaafeen taliska Ciidamada Itoobiya ee Fadhisimaha ku leh gobolka Banaadir.

Mohamed dheere waxa uu haatan iska ilaaliyaa ciidamada DFKG ah qaar kamid ah, Ciidamada Itoobiya iyo kooxda Al-Shabaab oo ku taamaaya in ay gacanta ku dhigaan, Sidaas oo kale waxa uu iska ilaaliyaa ciidamada Daacadda gudoomiyaha Nuur Cadde magacaabay Maxamad Osman Dhagax-tuur iyo ku-xigeenkiisa oo la yidhaahdo Ina Ibraahim Shaaweeye oo muran xoogani uu dhex-maray Mohamed dheere.Intaa waxa u sii dheer lafta ama Jifada uu ka dhashay Nuur Cadde oo u arka maxamad Dheere in uu rabshad ku abuuray Maamulka Nuur-Cadde isaga oo awalba loo dhiibay jago ay beeshaasi xaq u lahayd, waa sida ay u arkaan. Waxa iyana meesha ku jirta maleeshiyada beesha Dhagax-tuur ka soo jeedo oo u arka Maxamad Dheere nin kibirsan una diidaya wiilkooda jagada uu hayo in kasta oo ay iyaguba taageereen Maxamad Dheere markii uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyaga oo is weydiina anaguba waa taageernee muxuu noo taageeri la''yahay?.

Mohamed Dheere ayaa warar ku dhaw-dhaw ay sheegayaan in uu rabay in uu kala baxo qaar kamid ah hubkiisa magaalada Muqdisho iyada oo arintaasi adkaatay, kadib markii laga war helay in gobolka Sh/dhexe oo uu ka soo jeedo aan la Qaban-karin ama la aadi-karin wakhtigan Xaadir-ka ah iyada oo Midowga Maxkamaduhu ka taliyaan halkaas.

Si kastaba ha ahaatee dadka indha-indheeya siyaasada gobolka banaadir waxay leeyihiin waxaa loo qaatay Maxamada Dheere in uu qaato waxa Itoobiyaanku u soo jeediyeen oo ah in uu is casilo Itoobiyana iskaga noolaado inta wax iska bedelayaan iyada oo aan la ogayn sida ey taasi u suurta- galeyso kadib markii uu diiday in uu aado Itoobiya.
Dhanka kale dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aamin san in aanay jirin wax la isku qab-qabsado iminka maadaama Cudud Shisheeye ka taliso wadankii Somalia.

By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com
 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.