Ciidamo Ugandes oo howlo miino baaris ka waday wadada aada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waabarigii saaka lala eegtay Qarax Miino ku aasneyd dhulka, kaasoo ahaa kuwa meelaha fog fog laga hago.
Sida caadada u ah Ciidamada AMISOM waxay subax kasta howlo miino baaris ka sameeyaan Wadada isku xirta Air Porka iyo Isgoyska KM4, halkaasoo ah wado istiraatiiji u ah isticmaalka Mas'uuliyiinta Dowladda iyo Ciidamada shisheeye.
Qaraxan saaka ka dhacay halkaas waxaa daba socotay rasaas ay fureen Ciidamada Uganda oo aan horay loogaga baran inay rasaas furaan sida lagu yaqaano Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda oo rasaas aan loo meel dayin ku fura dadka rayidka marka lala helo Qarax.
Xiriiro aanu la sameynay dadka deegaanka ayaa sheegaya inuu jiro qasaare ciidamada ka soo gaaray qaraxa, balse aan la cayimi karin, waxaana durba goobta qaraxa soo gaaray Ciidamo Boolis ah oo ka socday Dowladda Federaalka.
Ma jirto ilaa iyo hada war ka soo baxay Saraakiisha AMISOM ee ku aadan qaraxii saaka, waxaana qaraxan uu ka mid yahay tiro qaraxyo ah oo Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika mudooyinkan lala beegsanayay.