HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxeysa qarax xoogan oo xalay ka dhacay Hoyga ay Magaalada Baydhabo ka degan yihiin Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa iyo Xildhibaan Cusmaan Xasan Cali Caato.

Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa daba socotay rasaas sida la sheegay dhex martay Ilaaladii Labada Guriga iyo Kooxihii weerarka Bambaano ku soo qaaday, waxaana la ogeyn qasaaraha kala gaaray, inkastoo aan wax qasaare ah ka dhalan Qaraxyadii guriga lagu weeraray.

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Dhalxa oo Saxaafada uga warbixiyay weerarkaas Bam ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Hoygiisa iyo Guriga Xildhibaan Caato oo sida uu sheegay ay isku dhow yihiin.

Wuxuu xusay in aanu jirin wax dhaawac ama dhimasho oo ay geysteen qaraxyadaas, wuxuuna ka gaabsaday inuu ka hadlo Kooxaha ka dambeeyay weerarkaas.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Baay C/fataax Geesey ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid fulaynimo ah, isagoona beeniyay inuu weerarkaas uu ahaa mid siyaasadeed oo ku qotonta is jiid jiidka ka dhex taagan Baarlamanka Soomaaliya.

Qaraxyada ka dhaca Magaalada Baydhabo ayaan aheyn wax ku cusub, waxaana qaraxii xalay uu noqonayaa kii 6aad oo Guryaha Xildhibaanada Baarlamaanka lala eegto
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.