Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, Xoogaga Maxkamadaha Islaamiga iyo Dhalinyar diimeedka Alshabaab ayaa Degmadaas kaga sugan Labo Dhinac, iyadoo sida muuqato uu jiro loolan dhanka awooda ah.
Inkastoo aan haatan muuqan wax isku dhacyo ah ama xiisad ee dhinacyada Magaalada ku wada sugan u dhaxeeyo ayaa dadka deegaanka yihiin kuwo la yaaban dhaq dhaqaaqyada ay kala wadaan.
Alshabaab waa garab Milateri oo aad u xoogan, waxaa uu kacdoon ballaaran kula jiraa Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Ethiopia, waxaana ay yihiin kuwo u babac dhiga, Waxeyna Degmada Balcad ka joogaan Gediga kale ee kala bara Wabiga iyo Buundada Degmada.
Maxkamadaha Islaamiga ayaa iyana Magaaladaas ka jooga dhinaca Koonfur ee Gediga kale, iyadoona sida wararku sheegayaan halkaas ka wada howlo amaanka lagu sugayo.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo aan xiriir la sameeyay ayaa ii sheegay in Labada Ciidan waa Maxkamadaha iyo Shabaab ay Magaalada ku wada sugan yihiin, wuxuuna cudad ahaan ku sheegay ilaa boqolaal, wuxuu Maxkamadaha Ciidamada ka jooga ku cadeeyay ilaa 200 ruux halka Alshabaab uu ku tilmaamay 50 ruux oo ku hubeysan qoryaha nooyadiisa kala duwan.
Dhinacyadan waxay si isku mid ah u qaadeen tallaabooyin wanaagsan hadii ay ahaan lahaayeen sugida amaanka, waxay kaloo Degmada ka xireen Goobihii shineemooyinka ahaa oo degmada laga daawanayay.
Laakiin su'aasha is weydiinta mudan waxay tahay sida ay ku dhici karto in Magaalada uu maamul Hal hogaan kaliya, maadaama Degmadu tahay mid yar, isla markaana u qeybsami karin in Labo quwad ay ka taliyaan