Dagaal xoogan ayaa xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho kadib labo habeen oo Magaalada aysan ka dhicin wax dagaalo ah, waxaana dagaaladan ay ahaayeen kuwo xoogooda laga maqlayay Magaalada oo idil.
Kooxaha Kacdoonada wada ayaa weerar xoogan ku qaaday Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM, kuwaasoo oo bar ciidan ku leh Isgoyska KM4, waxaana halkaas la isku weydaarsaday Hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalkan oo bilowday 3-da Habeenimo xilli dadka Muqdisho wada sugayeen Saxuurta ayaa ahaa mid aad u xoogan, iyadoona Labada dhinac ay si aad ah isula dhaceen Hubka cul culus oo ay ku jiraan Madaafiicda.
Lama oga qasaaraha kala gaaray ilaa iyo hada dhinacyadii xalay dirirayay, waxaase jira waxyeelooyin kala duwan oo dad rayid ah soo gaaray, kuwaasi oo rasaasta wiiftada ah ugu tagtay aqaladooda, waxaana dhaawacyo gaaraya Lix ruux la gaarsiiyay Cusbitaalka Madiina.
Dagaalkan waxaa sheegtay Xoogaga Alshabaab oo horay Afhayeenkooda ugu baaqay inay socon doonaan Weeraro Xiriir ah inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha AMISOM oo ku aadan Dagaalkii xalay lagu qaaday fariisinkooda, iyadoona aan markii u horeysay aheyn dagaalo lagu qaaday Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika