HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Inta la og yahay labo ruux oo sida la sheegay ay ahaayeen kooxihii weerarka ku qaaday Kolonyada Ethiopian ah oo ku sii jeeday degaanka Doolow kana tagay Magaalada Baydhabo ayaa ku geeriyooday dagaal maanta ka dhacay duleedka Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa kooxaha weerarka ku qaaday Ethiopianka waxay adeegsadeen hubka loo yaqaano Baasukayaasha kuwaas oo sida la sheegay gubay gaari ka mid ah kuwii ay wateen Kolonyada Ethiopianka

Dadka degaanka Bardaale waxaa ay cadeeyen inay la socdaan oo kaliya dhimashada labo ruux oo ay aaminsan yihiin inay ka tirsanaayeen kooxihii weerarka ku qaaday Ethiopianka ku sii jeeday Gobolka Gedo

Dhinaca kale Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiim Ciise Caddow ayaa sheegay in ay dagaalkaas Ciidamada Ethiopianka uga dileen 40 Askari oo saarnaa Gaari Ural ah, halka uu xusay in ay dhinacooda soo gaartay dhimashada labo dagaalyahan.

Waxaa uu sheegay in ay suurtagal tahay in ay dhacaan dagaalo kale oo dhex mara Ciidamada Ethiopianka oo weli fadhiya halkii uu dagaalka ku qabsaday iyo Xoogagga Maxkamadaha Islaamka oo iyana ku sugan meel aan u dheereyn halka ay Ciidamada Ethiopianka joogaan.

Dhawaan ayay ahayd markii uu duleedka Degmada Berdaale ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo Ethiopia lagu soo tababaray iyo Ciidamo Ethiopian ah oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Lama soo sheegin ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo dagaalkaas ka soo gaaray Dad Rayid ah oo ku sugnaa halka uu dagaalka ka dhacay ee Degmada Bardaale oo 55Km u jirta Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.