HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Xildhibaanada Baarlamaanka ee doonayay in la rido Xukuumada Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo shalay ka bad baaday Mooshinka ayaa ku tilmaamay codeyntii shalay ay kalsoonida ku heshay Baarlamaanka mid u dhacday qaab aan sharci aheyn.

Dhowr Xildhibaano oo ahaa kuwii waday Mooshinka ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu siduu doono u jiheeyo howlaha baarlamaanka, isla markaana uu hareer maro Axdiga Kmg ah.

Xildhibaan C/qaadir Nuur Caraale ayaa sheegay in qaabkii ay shalay u dhacday codeynta mooshinka laga keenay Ra'iisul Wasaaraha ay aheyd mid aan sharci aheyn, isla markaana Gudoonka Baarlamaanka aanu u maamulin hab cadaalad ah.

Sidoo kale Xildhibaanadii laga adkaaday sida Mowliid Macaani iyo Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa iyaguna sheegay in waxa ka dhacay fadhiga baarlamaanka uu yahay kuwo aan ka dhicin fadhiyada Baarlamaanka Caalamka, waxayna sheegeen in Gudoonka Baarlamaanka uu qalad ku kacay sida ay yiraahdeen.

Mooshinkii ay wadeen Tiro Xildhibaano ah ayaa noqday sida tusbax go'ay oo kale, iyadoona Xukuumada Nuur Cadde ay usuura gashay inay si buuxda u hesho codka kalsoonida, taasoo ay howlaheeda ku sii wadan karto muddo lix bilood oo kale, waxaase la ogeyn sida laga yeelayo Dawcada hortaala Baarlamaanka ee ka dhanka ah Madaxweynaha
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.